Kariirada YurubYurub (Af Ingiriis:Europe;Af Carabi: أوروبا) waaqaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaaradaAasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhacaBada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xigaBadweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhacaBada Mediterraniyan. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca bari iyo koonfurbari qaarada Yurub waxaa inta ugu badan loo yaqaanaaXadka Qaaradaha; taasi oo laga wado meesha qeybisa qaarada Aasiya iyo Yurub. Sida caadiga ah labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub waa kuwo isku-xidhan deegaan ahaan; waxaana badhtanka u dhaca wadano dhowr ah oo ka mid tahay wadankaTurkiga oo labada qaaradoodba ka tirsan.
Guud ahaan, qaarada Yurub waxay ku fadhidaa deegaan dhan 10,180,000 square kilometres (3,930,000 sq mi), ama 2% oogada sare eeDhulka (taasi oo u dhiganta 6.8% dhulka aduunka). Dhinaca siyaasada, qaarada Yurub waxaa ku yaala ilaa50 dowladood oo madax-banaan, kuwaasi oo wadankaRuushka noqonayo kan ugu weyn ee ugu bulshada badan - taasi oo qiyaas ahaan noqon karta 39% dhulka qaarada iyo 15% bulshada qaarada.Dhinaca kale, qaarada Yurub waxaa ku nool dad dhan 740 million (qiyaastii ilaa 11%bulshada aduunka) tirokoob 2012.) Taariikh ahaan, qaarada Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta wakhtiyadiiilbaxnimada ugu horeeysay, inkastoo dadka reer Yurub aad u horumareen markay bilaabanteykacaankii wershadaha.
Hordhac
Qaaradda Yurub waa mid kamidaqaaradaha shanta ah juquraafi ahaan waa qarad u eeg ama jaziirad u eeg. Waxa ay dhererantay ilaa buurahaoral waa dhanka bari iyoBada Qaswiin.
Wadanada
Albaniya
Andorra
Awstriya
Ayslaan
Ayrland
Beljim
Boland
Bulgariya
Burtuqaal
Denmark
Estoniya
Faransiiska
Finland
Giriiga
Holland
Hungari
Islofaakiya
Islofeeniya
Isbaayniya
Iswiidhan
Jarmalka
Iswisarland
Makidoniyada Wuqooyi
Jamhuuriyadda Jek
Kuruweshiya
Latfiya
Lekhtanishtayn
Lithuaniya
Luksemburg
Malta
Montenegro
Norwey
Romaniya
San Marino
Seerbiya
Israaiil
Talyaaniga
Yukrayn
Bosniya iyo Hersegofina
Sidoo kale fiiri
Linkiyo Kale
Tixraac
 | Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiroYurub. |