XaawoXaawa (Af Carabi:ar;Af-Hebrow: חַוָּה,;Af-Laatiin:Eva; Aramiyya: ܐܘܚ;Af-Tigrinya: ሕይዋን ? ama Hiywan) sida ay isla qabaan Diimaha Ibraahimiga ahi (waadiintaIslaamka,diintaMasiixiyada iyo tanYuhuud) Xaawa waa qoftiidumar ee ugu horeeysay eeIlaahay (s.w.t) ka abuurayfeedha lamaanaheedaNebi Aadam. Si kale haddii aan u dhigno Xaawo waahooyodii kowaad ee dhamaandadka, halkaAadam ka yahayaabaha dhamaan dadka ku noolmeerahadhulka. SidadiintaIslaamku xustey markiiAlle abuuray Aadam iyo Xaawo wuxuu ka dhigayseey iyooori kuwaasi ku dhex nooljanada. Wakhti yar ka dib, Sheydaan oo asagu ka xun sharafta iyo maamuuska Ilaahay siiyay Aadam iyo xaaskiisa ayaa wuxuu bilaabay inuu Xaawo shukaamiyo, isla markaana ka dhaadhiciyo in haddii eey cuntomidhaha iyokhudaartageedka laga mamnuucay ay noqonayso qof aad u qurux badan oo waligeed noolaanaysa, marnaba aanan dhimanaynin, isla markaana yeelanaysa mid la mid ahawood weyn eeRabbi (s.w.t).
Si kastaba ha ahaatee, Xaawo waxay qaadatay sheekadii beenta ahayd ee Ibliis taasi oo burinaysa ama lid ku ah oo ka soo horjeeda amarkiiIlaahay siiyayqoyskan ugubka ah oo ahayd ineey wax kasta cunaan laakiin aanay marnaba taabanin ama u dhowaaninmidhahageeka laga mamnuucay. Waxayna odaygeedii Aadam ku kaliftey ineey labadooduba cunaan midhaha iyo khudaarta geedka laga mamnuucay. Isla markiiba waxaa isku muuqatay ceebtoodii, markaasaa waxay bilaabeen iney isku qariyaancaleenta iyolaamaha geedaha. Wakhti yar gudaheed Alle wuxuu amar ku bixiyey in labadooduba ay ka baxaanjanada ooynolol cusub ka bilaabaan oogadadhulka.[1][2]
Beerta Ceeden waxaa loo maleeyaa inay ku taallay meel maanta ah bariga Turki. Runtii, beerta Ceeden adduunka bay ku taallay. Ilaahay Aadan buu abuuray oo wuxuu dejiyay beerta Ceeden “inuu falo oo dhawro.” Kaddib Ilaahay naag buu Aadan u abuuray oo magaceeda Xaawa buu ahaa. Ilaahay iyaga wuu amray oo wuxuu ku yiri: “Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka.” Way caddahay inuusan Ilaahay “si aan waxba tarayn u uumin [dhulka], laakiinse u uumay in la degganaado.”[3]. Aadan iyo Xaawa haddii aysan dembaabi lahayn weligood bay noolaan kareen. Ilaahay Aadan iyo Xaawa Jannadii wuu ka eryay. Si adag bay u hawshoodeen siday dhulka beerta Ceeden ka baxsan wax ay cunaan uga beertaan. Waqti kaddib Xaawa way uuraysatay oo waxay dhashay cunuggoodii ugu horreeyay Qaabiil. Aadan iyo Xaawa waxay dhaleen wiilal iyo gabdho kale oo ay ka mid ahaayeen Haabiil iyo Seed oo ahaa Nuux awowgiis.[4]
- ↑Qran.org: Quran Verses in Chronological Order
- ↑Chronological Order of Quranic SurahsArchived Jannaayo 13, 2018 //Wayback Machine, by Kevin P. Edgecomb (2002).
- ↑Muxuu Yahay Qasdiga Ilaahay oo ku Saabsan Adduunka?
- ↑Jannadii Way Luntay