Unug (Ingiriis:Cell) Unuggu waa waxa ugu yar waxa nool ama waxa la oran karaa waa halbeega nolosha. Unuggu waa waxa ugu yar xubnaha maatarka/walaxda ee si caddaan ah loo oran karo waa nool yahay. Waxaana waar sar micneheedu yahay waxaa unuggu samayn karaa wax allaale iyo wixii asaas u ah shaqada ee astaan u ah nolosha sida taranka, dheefshiidka, koritaanka iyo qaybsanka unugga giddina waxay ka dhacaan borotobalaasimka unugga gudihiisa. In kasta oo ay unugyadu iskaga mid yihiin aasaaska dul ahaaneed ee qaabka haddana waxa ka muuqda unnugyada in ay si aad ah u kala duwan yihiin.
Unugyaadu shaqada, dhiska, qaabka iyo baaxadaba waa ku kala geddisan yihiin. Dhanka kale haddi aynu ka eegno unugyadu waxay iskaga mid yihiin hawsha ka socota unugga gudihiisa iyo dhiska guud ahaaneed.
Saytoobalaasimka waaxaa ku jira jir giraansan ama wareegsan oo la yraahdobu' oo aan sida caadiga ah aan la arki karin illaa la midabeeyo. Bu'da aad iyo aad ayay muhiim u tahay oo waxay xukuntaa hababka nololeed ee unugga. Haddii unuggu laba qaybood loo kala qaybiyo oo bu'da qayb ka mid ah labada qaybood la raacsiiyo, waxaa noolaata oo qur ah qaybta bu'da wadata.