Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Qur'aan

Ka Wikipedia
Kitaabka Quraanka kariimka ah.

Quraan,Qur'aan,Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ;ingiriis: Koran) waa kitaabkaAlle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyayNebi Maxamed (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqadacarabiga.[1][2] Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahaydiintaIslamka dhamaanteed.[3]

Quraanka kariimka ah waa hadalkaIlaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oomalagaJibriil u soo gudbin jireyNebi Muxamed (n.n.k.h)wakhti 23sano ah, oo ku bilaabmaysaDiisembar 22keedii sanadkii 609C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa40 jir,[4] ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada eeIlaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaanaadamaha ku nooldunida.

Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ahMakki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga intii uu magaaladaMakkah joogay) iyoMadani (oo ah Quraanka ku soo dagayNebi Muxamed wakhtigii uu magaaladaMadiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaanosuurado, kuwaasi oo loo sii kala saaroaayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahayboqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeysosuuradaAl Faatixa (macnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 eeAl-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban6 aayadood.

Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaantaariikhda,nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona,nolosha dunida,nolosha aakhiro,maalinta qiyaame iyoxisaabta, iyo dhamaan macluumaadkanooleha.Sidoo kale,Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya noloshadadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.[5]

Wadajirka Quraanka iyoXadiisku waa sharciga saxda ah eeAlle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaaSharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqadacarabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayosalaadaha.[6] Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaaXaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaatowjiid.Si kastaba ha ahaatee,bishaRamadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanayasalaadatarawiixda.

Micnaha & Sharaxaada Quraanka

Qoraalka Quraanka kariimka ahqarnigii 11aadwaqooyiga Afrika.

Ereyga qur'aan waxaa kitaabkaQuraan laga dhex helaa 70 jeer, kuwaasi oo qaarkood yihiin ficil (verb) iyo magac (noun) ah qaraʼa (ﻗﺮﺃ) oo macnaheedu tahay "akhriyey" ama "la akhriyey".[7][8]

Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahaydiintaIslamka dhamaanteed, isla markaana wuxuu kala saaraa runta iyo beenta; mugdiga iyo iftiinka;janoda iyocadaabta;ifka iyoaakhiroda.[9]

Kitaabka Quraanka kariimka ah eeIlaahay (s.w.t) ku soo dejiyayNebi Muxamed (n.n.k.h) waxaa lagu magacaabaaAl-Furqaan, kaasi oo ah tilmaamid ("al-huda"), xikmad, xasuusinta Alle ("al-dikhri"), iyo midsamada sare laga soo diray ("tanziil").[10]

Taariikhda Quraanka

Samayska Kitaabka Quraanka

Quraan

Quraan waa kiitaabkaIllahey ee saldhiga u ah diintaIslaamka ee dadkamuslimiinta ahi ku xidhan yihiin.

Quraan waa hadalka ilaaheey mana aha mid la sameeyey ama la abuuray waa waxyi ka yimid xagga rabbi.

Suurad

FiiriJadwalka Boqol toban iyo afarta Suuradood ee Quraanka Kariimka ah

Suurada ugu horeeysaQuraanka kariimka ah ee Suuratul-Al-Faatixa.

SuuradSuurahSuuratu (ingiriis: sura, surah, surat;carabi: ﺳﻮﺭﺓ; ama wadar ahaan: ﺳﻮﺭsuwar, sidoo kale sūrah)[11] waa maqaro bog ama bogagaayado ka mid ahQuraanka kariimka ah eeAlle (s.w.t) ku soo dejiyayNebi Muxamed (n.n.k.h). KitaabkaQuraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahayboqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan ooaayado ah.[12][13]

Dhererka Suuradaha Quraanku way kala duwan yihiin, tan ugu gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban3 aayadood; halka suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban286 aayadood.[14][15]Boqol toban iyo afarta suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah waxay kala yihiin86 suuradood oo ahMakki iyo28 Madani ah. Kala soocida noocan ah waxaay salka ku heeysaa meesha ay suuraduhu ku soo dageen, oo ka hor intii aanuNebi Muxamed ka tagin magaaladaMakkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaaMakki,[16] halka markuuNebigu u hijrooday magaaladaMadiina waxyigii iyo quraankii ku soo dagay ay noqonayaanMadani.

Hadaba suuradahaMakkiga ahi waxay ka waramaanaakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradahaMadaniga ahi ay sharaxaannolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshadaIslaamka ah.[17] Marka laga reebo Suuratul-Al-Tawba,[18] dhamaansuuradaha kale waxay ku bilaabmaan "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ)Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.[19] Midani waa tan kala soocda isla markaana kala saarta Suuradaha ku jira Kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Dhinaca kale, qeyb ka mid ah Suuradaha ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu gudo jiro tukashadasalaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran.[20]

Sharaxaada Suurad

Erayga suurat waxaa markii ugu horeeysay isticmaalayNebi Muxamed si uu ugu kala saaro iyo kala sooco qeybaha Quraanka kariimka ah. Taasi oo ku dhex jirta aayadoAlle (s.w.t) soo dajiyey sida ku cad 24:1 "Waxaanu kugu soo dejinay suurado wata cadaymo, iyo waxaanu kugu soo dirney calaamado, calaamado cad-cad, kuwaasi oo si farxad leh aad ku xasuusani."[21]Dhinaca kale, wadarta suurad waa suwar sida ku xusan Quraanka kariimka, aayadahan oo fasirkaAf Soomaali ku noqonaya "Ma waxay dhaheen isagaa Allifay? Ku dheh "La yimaada toban suwar oo la mid ah (waa Quraankee) una yeedha cid kasta marka laga reebo Alle, haddii aad run sheegaysaan."[22][23][24]

Sida Loo Helo Waddada Jannada?

Aayadaha Quraanka

AayadAayahAayatu (ingiriis: Ayah, Aayah;carabi: ﺁﻳﺔ āyah, wadar ahaan: ayat ama ayaat ﺁﻳﺎﺕ āyāt)[25] waa eray af-Carabi ah oo macnaheedu tahaycadayn amacalaamad taasi oo ku dhex jirtasuuradahaQuraanka kariimka ah eeAlle (s.w.t) ku soo dejiyayNebi Muxamed (n.n.k.h).

In kastoo aayadaha ku jirasuuradaha kitaabkaQuraanka kariimka ah ay gaaban yihiin, hadana macnaha ay xambaarsan yihiin ayaa ah mid aad u balaadhan. Kitaabka Quraanka kariimka ahi wuxuu ka kooban yahayboqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo tiro badan oo aayado ah.[26][27]

Dhererka aayadaha iyo Suuradaha Quraanku way kala duwan yihiin, tan ugu gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban3 aayadood; halka suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban286 aayadood.[28][29]Boqol toban iyo afarta suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah waxay kala yihiin86 suuradood oo ahMakki iyo28 Madani ah. Kala soocida noocan ah waxaay salka ku heeysaa meesha ay suuraduhu ku soo dageen, oo ka hor intii aanuNebi Muxamed ka tagin magaaladaMakkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaaMakki,[30] halka markuuNebigu u hijrooday magaaladaMadiina waxyigii iyo quraankii ku soo dagay ay noqonayaanMadani.

Hadaba suuradahaMakkiga ahi waxay ka waramaanaakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradahaMadaniga ahi ay sharaxaannolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshadaIslaamka ah.[31]Marka laga reebo Suuratul-Al-Tawba,[32] dhamaansuuradaha kale waxay ku bilaabmaan "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ)Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.[33]Midani waa tan kala soocda isla markaana kala saarta Suuradaha ku jira Kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Dhinaca kale, qeyb ka mid ahaayadahaSuurad ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu gudo jiro tukashadasalaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran.[34]

Qorida Quraanka

FiiriJadwalka Boqol toban iyo afarta Suuradood ee Quraanka Kariimka ah


KitaabkaQuran ee kariimka ah waxaa loo qeybiyaasuurado iyo weliba qeeybo hoose oo loo yaqaanoAayado. Hoos waxaad ku arki liiska jadwalkaSuuradaha laga bilaabo kow ilaa suurada boqol toban iyo afaraad.

Suurad
#Magaca Af-CarabiMicnaha Af-SoomaaliTirada AayadahaMakki ama MediiniKa warameysa
1Al-FaatixaFur-furid ama
bilaabid
7Mekki
  • Bilowga iyo albaabka kitaabka Qur'ánka ah.
2Al-BaqaraSac, Lo'286Medani
3Al CimraanQoyskii reerCimraan, Hooygii Cimráan200Medani
4An-NisaDumarka176Medani
  • Midowga dadka iyo isku-xidhnaanshaha raga iyo dumarka. (v. 1)
  • Xuquuqda dumarka.
  • Su'aalaha la xidhiidha nolosha qoyska (sida qoyska iyo dhaxalka).
  • Nabada iyo dagaalka.
  • Xidhiidhka u dhexeeya kuwa Alla aaminay iyo kuwa aan aaminsanayn.
5Al-Maa'idaCuntada, Wax la cuno120Medani
  • Ku xidhnaanta Alle (ay ka mid tahay danaynta diinta).
  • Musuqmaasuqa diinta Masiixiga iyo bedelida kitaabada Masiixiga iyo Yuhuuda. (v. 68-77, 116-118)
6Al-AncaamLo'dii165Makki
7Al-AcraafDhererkii, Kuliyada kala sooca206Makki
8Al-AnfaalBilaabidii dagaalka75Medani
9At-TawbaToowbad keen, ka soo noqosho gaf129Medani
  • Dhibaatooyinka dagaalka u dhexeeya kuwa Alle rumeeyay iyo cadowgooda.
  • Dagaalkii Tabuuk (9 H.K).
  • Kuwa aanan heysan karin iimaanka. (v. 124-127)
10Suuratul YoonisNebi Yoonis109Mekki
  • Soo dejintiiQuraanka loo soo waxyoodayNebi Muxamed. (v. 15-17, 37-38, 94)
  • References to earlier prophets.
  • Aasaaska diinta Islam.
11Suuratul HuudNabi Huud123Mekki
12Suuratul YuusufNabi Yuusuf111Mekki
13Ar-RacdiDanab43Medani
  • WaxyigiiIlaahay eenabiyada iyo aasaaskii diimaha, runta iyo wadada toosan ama diimadii gaalada.
14Suuratu IbrahiimNebi Ibrahiim52Mekki
  • WaxyigiiAlle u soo diray dadka, iyo hogaamiyayaashii dadka u horseedayay iftiinka.
15Al-HijrMidii dhagaxa lahayd, Dhagaxleey, caasimadii wada dhagax ahayd, Al-Hijr99Mekki
  • HanuunintaAlle iyo tilmaamidaQuraanka, taasi oo waligeed ahaaneysa mid sax ah. (v. 9)
16An-NaxliMalab Shiniyeed, Shinni128Mekki
  • Abuurista Alle:
    • Wada shaqaynta Shinnida.
    • Hogaaminta Ilaahay.
17Al-IsraHabeenkii la dheelmiyay Nebiga111Mekki
18Al-KahfGodkii110Mekki
  • Adkeynta iimaanka qofka iyo tijaabadiisa ooy ka mid tahay:
    • Qisadii asxaabul kaahfi (akhyaartii godka). (v. 13-20)
    • Ninka qaniga ah iyo kan faqiirka ah. (v. 32-44)
    • SheekooyinkiiNebi Muuse. (v. 60-82)
    • WacdarihiiDhul-Qarnayn, (micnaheedu tahay "midkii laba geesood lahaa"). (v. 83-98)
19Suuratu MaryamMaryam98Mekki
20DaahaDaa-Ha, Rag yahoow135Mekki
  • HanuunkaIlaahay u soo direy dadka.
  • Aasaaska runta iyo diimaha.

Kutubta Ku Xusan Quraanka

KitaabkaQuraanka kariimka ah ee saldhiga u ahdiintaIslaamka, waxaasuurado badan iyoaayado badan lagu xusay kitaabka Zabuur ee Nabi Daa'uud.[35]

Isku soo wada duuboo kutubtaAlle (s.w) ku soo dejiyayAnbiyada iyoRusuusha waaafar kitaab iyo dhowrsuxufi. Sida ku cad kitaabkaQuraanka kariimka ee aasaaska u ahdiintaIslaamka,Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyayafar Kitaab[36] oo la kala siiyay afarRasuul.Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyayanbiyo iyoRusul, waxaana ka mid ah:

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay

Sida ku cadkitaabkaQuraanka kariimka ah eeAlle u soo waxyoodayNebi Muxamed waxaa jiratiro badan[41] oonabiyo iyorasuul ah ooIlaahay (koreeye) ku soo dejiyaykutub.[42] Kuwaasi waxaa ugu horeeyayNabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraaladaSuxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyaykitaabkaAl-Furqaan ee Alle u soo waxyoodayNebi Muxamed.[43]Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah:Nebi Ismaaciil,Nebi Yacquub iyoNebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[44]

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabkaQuraanka kariimka ah waaafarkitaab iyo labosuxufi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
MagacaMagaca
Af-Carabi
KitaabkaSuxufiSharaxaad Kooban
Nebi Muxamedﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪKitaabkaQuraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciiseﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰKitaabkaInjiil
"Masiixiyad"
-
Nebi MuuseﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰKitaabkaTowraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uudﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩKitaabkaSabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
Nebi Ibraahimﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ-Suxufi Ibraahim

Turjumaada Quraanka

Xigasho

  1. "QuraanQuraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ;ingiriis: Koran)"
  2. "waa kitaabkaAlle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyayNebi Maxamed"
  3. "Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahaydiintaIslamka dhamaanteed."
  4. "hadalkaIlaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oomalagaJibriil u soo gudbin jireyNebi Muxamed"
  5. Muhammad ibn Sa'ad, At-Tabaqat al Kubra, 830-840 C.H, Chapter 3 page 281
  6. "Wadajirka Quraanka iyoXadiisku waa sharciga saxda ah eeAlle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan"
  7. "Ereyga qur'aan waxaa kitaabkaQuraan laga dhex helaa 70 jeer"
  8. "qaraʼa (ﻗﺮﺃ) oo macnaheedu tahay "akhriyey" ama "la akhriyey""
  9. "kala saaraa runta iyo beenta; mugdiga iyo iftiinka;janoda iyocadaabta;ifka iyoaakhiroda"
  10. "tilmaamid ("al-huda"), xikmad, xasuusinta Alle ("al-dikhri"), iyo midsamada sare laga soo diray ("tanziil")"
  11. "SuuradSuurahSuuratu (ingiriis: sura, surah, surat;carabi: ﺳﻮﺭﺓ; ama wadar ahaan: ﺳﻮﺭsuwar, sidoo kale sūrah)"
  12. "waa maqaro bog ama bogagaayado ka mid ahQuraanka kariimka ah eeAlle (s.w.t) ku soo dejiyayNebi Muxamed (n.n.k.h)."
  13. "KitaabkaQuraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahayboqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan ooaayado ah"
  14. "gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban3 aayadood"
  15. "suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban286 aayadood"
  16. "Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaaMakki"
  17. "aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradahaMadaniga ahi ay sharaxaannolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshadaIslaamka ah"
  18. "Suuratul-Al-Tawba"
  19. "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ)Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.
  20. "tukashadasalaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran"
  21. "aayadoAlle (s.w.t) soo dajiyey sida ku cad 24:1 "Waxaanu kugu soo dejinay suurado wata cadaymo, iyo waxaanu kugu soo dirney calaamado, calaamado cad-cad, kuwaasi oo si farxad leh aad ku xasuusani.""
  22. Robinson Neal, Discovering the Qurʼan: A Contemporary Approach to a Veiled Text, 2003, Georgetown University Press, 25–97
  23. Qran.org: Quran Verses in Chronological Order
  24. Chronological Order of Quranic Surahs by Kevin P. Edgecomb (2002)Archived Jannaayo 13, 2018 //Wayback Machine.
  25. "AayadAayahAayatu (ingiriis: Ayah, Aayah;carabi: ﺁﻳﺔ āyah, wadar ahaan: ayat ama ayaat ﺁﻳﺎﺕ āyāt)"
  26. "boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo tiro badan oo aayado ah"
  27. "KitaabkaQuraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahayboqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan ooaayado ah"
  28. "gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban3 aayadood"
  29. "suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban286 aayadood"
  30. "Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaaMakki"
  31. "aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradahaMadaniga ahi ay sharaxaannolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshadaIslaamka ah"
  32. "Suuratul-Al-Tawba"
  33. "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ)Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.
  34. "tukashadasalaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran."
  35. "Quraanka ah ee saldhiga u ahdiintaIslaamka"
  36. "Quraanka kariimka ee aasaaska u ahdiintaIslaamka,Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyayafar Kitaab oo la kala siiyay afarRasuul"
  37. "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyayNebi Muxamed"
  38. Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyayNebi Ciise
  39. Kitaabka "Towraad" ee loo soo dirayNebi Muuse
  40. Kitaabka "Sabuur" eeIlaahay ku soo dajiyeyNebi Daa'uud
  41. kitaabkaQuraanka kariimka ah eeAlle u soo waxyoodayNebi Muxamed
  42. nabiyo iyorasuul ah ooIlaahay (koreeye) ku soo dejiyaykutub
  43. "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraaladaSuxufi Ibraahim"
  44. "Nebi Ismaaciil,Nebi Yacquub iyoNebi Yoonis"
Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Qur%27aan&oldid=262920"
Qeybaha:

[8]ページ先頭

©2009-2025 Movatter.jp