Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Qaramada Midoobay

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa.
Boga "UN", "UNO", "QM" iyo "Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Soomaali Qamada Midoobey
Carabi الأمم المتحدة
Shiinees 联合国/聯合國
Isbaanish Naciones Unidas
Faransiis Les Nations Unies
Ruush Объединенных Наций
Maabka xubaha qaramada midoobay[lower-alpha 1]
Maabkaxubaha qaramada midoobay[lower-alpha 1]
FadhigaXarunta sareNew York(Deegaanada Caalamiga)
Luuqadaha Dowliga
Loo qoroUrur Xidhiidhiya Dowladaha
Xubinimo193 wadan
2 Deegaan
Hogaanka
 - Xoghayaha GuudAntónio Guterres ([[Burtuqaal]])
 - Xoghaye Ku XigeenJan Eliasson (Iswidhan)
 - Madaxwaynaha Golaha SareSam Kutesa (Yugandha)
 - Madaxweynaha Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshooyi kaMartin Sajdik
 - Madaxweynaha Golaha AmnigaDato Ramlan Ibrahim
La soo xulay
 - Sharciga Qaramada Midoobay waxa la saxeexay26 Juun 1945 (1945-06-26) 
 - Dastuurka waxa la howlgaliyey24 Oktoobar 1945 (1945-10-24) 
Website
www.un.org
Qaramada Midoobay
Silsilad ka mid ah
Qaramada Midoobay
Goleyaasha Sare
Waaxyaha Ugu Muhiimsan
Ururada, Wakiilada iyo Hay'adaha
Ururo La Xidhiidha

Qaramada Midoobay (Af Ingiriis:The United Nations Organization) sida saxda ah lagu magacaabo"Ururka Qaramada Midoobay", waa urur caalami ah oo ka dhexeeyadalalkaaduunka kaasi oofadhigiisu yahay caasimadaNew York carigaMaraykanka. Ururka Qaramada Midoobay waxa la aasaasay Oktoobar 24, 1945 si loogu badalo ururkii ka horeeyay ee"Midowga Umadaha" (League of Nations). Ujeedada iyo hadafka Qaramada Midoobay wuxuu ahaa in uu ka shaqeeyo xidhiidhka wadanada xubnaha ka ah iyo in uu ka hortago dagaal ka qarxa wadanada caalamka.

Qaramada Midoobay waxaa lagu bilaabay heshiiska51 wadan, laakiin sanadii ka dambeeyay ururku wuu balaadhay waxaana maanta xubin ka ah 193 wadan. Qaramada Midoobay waxaa maanta fadhi u ah caasimadaNew York, wadankaMaraykanka, wuxuuna xafiisyo waawayn ku leeyahay meelo kale oo dunida ah, sidaXafiiska Janiifa (Geneva),xafiiska Nayroobi iyo xafiiska Fiyena (Vienna). Ururka waxaa maalgeliya dhaqaale qiimaysan oo uu ka helo wadanada xubnaha iyo deeq caalami ah oo ka soo gasha wadanada qaar, ganacsato iyo shirkado gaar loo leeyahay. Waxaana ka mid ah hadafka Ururka Qaramada Midoobay inuu ka shaqeeyo nabad caalami ah, amniga, ilaalinta xuquuqda aadamaha, daryeelka bulshooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha, ilaalada deegaanka, fidinta gargaarka dagdaga ah ee meelaha ka dhacaanabaaro, musiibo dabiici ah iyo colaada.

Wakhtigii uu socdayDagaalkii Labaad ee Aduunka ayaa madaxweyihii Maraykanka Franklin D. Roosevelt soo jeediyay in la aasaaso urur bedela Midowga Umadaha, waxaana la bilaabay qoritaanka Dastuurka Qaramad Midoobay ka dib markii la galay shirweyne dhacay intii u dhaxaysay Abril–Juun 1945; wuxuuna dastuurkani hirgalay bishii Oktoobar 1945, wakhtigaasi oo Qaramada Midoobay howl biloowday. Hadaba ujeedada iyo jiritaanka Qaramada Midoobay wuxuu shiki galay wakhtiyadiiDagaalka Qabow socday kaasi oo u dhexeeyay labo awoodood ee Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti iyo xuladadeeda. Si kastaba ha ahaatee ururku wuxuu kaalin libaax ka qaatey farogalintii "Dagaalkii Labada Kuuriya" iyo"Howlgaladii Koongo".

Xubnaha ururku aad ayay u koreen wixii ka dambeeyay sanadihii1960kii wakhtigaasi oo wadano badan xoriyada qaateen. Wixii ka dambeeyay Dagaalkii Qaboowa Ururka Qaramada Midoobay wuxuu bilaabay inuu talaabo milatari qaado kuwaasi oo isbedel la taaban karo ka gaadhay. Guud ahaan Qaramada Midoobay waxay ka kooban tahay lix waaxood:Golaha Sare (oo ah waaxda maamulka guud gacanta ku heysa);Golaha Amniga (waaxdani waxay go'aamisaa xalka amaanka iyo nabada);Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada (ECOSOC) (waaxdani waxay ku shaqo leedahay dhiirigelinta iyo horumarinta dhaqaalaha caalamka iyo horumarka bulshooyinka);Golaha Xoghaynta (waaxdani waa maamulka iyo soo ururinta akhbaarta iyo macluudka Ururka Qaramada Midoobay u baahan yahay);Maxkamada Cadaalada Caalamiga (sidoo kale loo yaqaanoMaxkamada Aduunka, waa waaxda u qaabilsan cadaalada); iyoGolaha Kalsoonida (United Nations Trusteeship Council) midkaasi oon shaqaynin tan iyo 1994.

Hordhac

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Jimciyada Quruumaha ka Dhaxaysa waxay leedahaywakiilo badan oo ka shaqeeya waxyaabo badan oo kala duwan; kuwaas waxaa kamid ahBankiga Aduunka (World Bank Group),Ururka Caafimaadka Aduunka (World Health Organization),Hayada Cuntada Aduunka (World Food Programme),UNESCO, iyoUNICEF. Liiska wakiilada iyo hayadaha Qaramada Midoobay ka fiiriLiiska Hayadaha Qaramada Midoobay. Sarkaalka ugu sareeya Qaramad Midoobay waaXoghayaha Sare, waxaana 2007di ilaa hada haya xilkaasiBan Ki-moon ee u dhashay wadankaKoonfur Kuuriya.

Sanadkii 2001da Ururka Qaramad Midoobay waxaa la gudoonsiiyay bilad sharafta Abaalmarinta Nabada (Nobel Peace Prize).

Taariikh

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Maqaal dhamaystiran:Taariikhda Qaramada Midoobay
A map of the world with countries displayed in colours corresponding to the dates the countries joined the United Nations. Countries not involved with the United Nations are shown in grey.
Maabka Aduunka oo lagu muujiyay wadanada iyo wakhtiga ay ku biireen Qaramada Midoobay

TaariikhdaQaramada Midoobay waxay ka soo bilaabantaaDagaalkii Labaad ee Aduunka. Wakhtigaas wixii ka dambeeyay xubnaha iyo shaqada ururku wuu balaadhay waxayna maanta gaadhay dhamaan caalamka oo dhan, ayada oo qarniga 21aad noqotey meel kulmisa dhamaan madaxda aduunka. Sida taariikhda lagu hayo hindisaha iyo magacaQaramada Midoobay waxaa horaantii iska lahaa madaxweynihii wadankaMaraykanka Franklin Roosevelt wakhtigaasi oo uu rabay in lagu magacaabo xulafadii Isbaahaysiga.[2] Fikradaasi waxaa ku raacay Ra'iisal wasaarihiiBoqortooyada Biritayn kaasi oo socdaal shaqo ku joogay cariga Maraykanka wakhtigaasi 1941. Si kastaba ha ahaatee sanadihii xigay waxaa ereyga Qaramada Midoobay aad u isticmaalayay xulafadii isbaahaysiga ee dagaalka kula jirteyawoodi Nazi-ga.

A black and white motion picture of some men signing papers on a desk in the center of a huge decorated room.
AasaasitaankiiQaramada Midoobay

Ku Dhawaaqida QM (1942)

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Qorsheeyntii dhisitaanka ururka wuxuu bilaabmey wakhti ka horeeyay Dagaalkii Labaad taasi oo la aaminsan yahay inWaaxda Siyaasada Maraykanka (US State Department) bilowday qorsheeynta arimaha ururka sanadkii 1939.[3] Maqaalkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqida Qaramada Midoobay waxaa si wada jir ah u diyaariyay 29 Diisamber 1941 madaxweynihii Maraykanka Franklin D. Roosevelt, ra'isul-wasaaraha Boqortooyada Biritatn Winston Churchill, gacanyarahii Roosevelt Harry Hopkins, kuwaasi oo wakhtigaas ku sugnaa Aqalka Cad ee Maraykanka. Madaxweyne Roosevelt wakhtigaasi wuxuu Qaramada Midoobay ku tilmaamayay Xulafadii Isbaaheysiga Dagaalkii Labaad (Allies of World War II). Fikradan waxaa markiiba ku raacay raisal wasaarihii Boqortooyada Britayn kaasi oo isla markiiba ka hirgeliyay wadankiisa.

Baasaboodhkii ugu horeeyay ee Qaramada Midoobay la daabacay 1944

Qiyaastii 1–2 Janaayo 1942, ayaa lagu dhawaaqay Qaramada Midoobay wakhtigaasi ooy saxeexeen sharciga ururkaas ilaa 26 wadan.[4][5] Badhtamigii 1945kii waxaa heshiiska saxeexay 21 wadan oo kale kuwaasi oo sii xoojijiyay hanoqaadkii ururka.[6]Heshiskaasi wuxuu ku bilaabmayay sidan:

Waxaan ku dhawaaqaynaa iskuxidhka iyo midnimada Maraykanka, Boqortooyada Biritayn oo la socoto Waqooyiga Ireland, Midowga Soofiyeeti, Shiinaha, Ustareeliya, Biljamka, Kanada, Koosta Riika, Kuuba, Jekoslafaakiya, Jamhuuriyada Doominika, El Saafadoor, Giriiga, Guatemala, Hayti, Honduras, Hindiya, Lugsemburg, Nederland, New Siiland, Nikaraaguwa, Norway, Banama, Boland, Koonfur Afrika, Yugoslaafiya. . . .

Saxeexa dowladaha ayaa hoosta kaga qornaa maqaalkaasi.

Hadaba wakhtiyadii uu socday Dagaalkii Labaad waxaa caan noqotey isticmaalka Qaramada Midoobay taasi oo laga waday Xulafada Wadanada Isbaahaystay ee kor ku soo xusnay. Marka wadan rabo inuu ururkaas Qaramada Midoobay ky biiro waxaa shardi ahayd inuu saxeexo heshiiska isla markaana dagaal ku dhawaaqo Isbaahaysigii Nasiga (Axis).[7]

Qorshaynti QM

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Fikrada ah in ururka Qaramada Midoobay noqdo mid caalamka dhan ka dhexeeya waxay bilaabantey Shirkii Moosko ee 1943dii iyo Shirkii Tehraan ee isla sanadkaasi. Shir dhacay bishii Agoosto ilaa Oktoobar 1944kii ayaa wadanadaShiinaha,Boqortooyada Biritayn, iyoMidowgii Soofiyeeti, oo ku kulmay caasimada Washington, D.C ayaa waxay ku soo saareen in ururka Qaramada Midoobay laga dhigo mid caalami ah oo u dhaxeeya wadanada aduunka dhamaantood. Is-aragyo kale iyo hadalo badan ka dib waxaa la isku raacay cida xubin ka noqon karta ururka iyo shaqooyinka uu qaban doono kuwaasi ooy ka mid ahaayeen inuu ilaaliyo nabada guud ee caalamka, horumarinta dhaqaalaha iyo xidhiidhka bulshooyinka caalamka.[8][9]

Aasaasitaanka QM

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Qaramada Midoobay 1945. Wadanada buluuga khafiifka ah waa kuwii ururka bilaabay. Kuwa buluuga jaamudka ah waa wadanada la ilaalinayay iyo la gumaysanayay

Markeey taariikhdu ahayd Abriil 25, 1945, waxaa magaaladaSan Fransisko ka bilaabmay Shirkii Caalamiga ee Qaramada Midoobay halkaasi ooy ku kulmeen wadano gaadhay 50 dal iyo tiro badan oo ururo caalami ah. Hadaba 26 Juun, labo bilood ka dib markii shirka la bilaabay, ayaa 50kii wadan dhamaantood saxeexeenDastuurka Qaramada Midoobay. Ka dib markii ay dib u eegis ku sameeyeen wadanada Shiinaha, Midowga Soofiyeeti, Boqortooyada Biritayn, Maraykanka iyo tiro kale oo wadano ah ayaa 24 Oktoobar 1945, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay jiritaankaUrurka Qaramada Midoobay.[10]Hoos waxaa ku qoran taariikhda wadanada xubinta ka ah Qaramada Midoobay ay soo gudbiyeen warqadii ogolaanshaha ururka:[11]

Shirkii ugu horeeyay eeGolaha Sare wuxuu qabsoomay 10 Janaayo 1946 magaaladaLondon.[12] Sidoo kale waxaa ayaguna kulankii ugu horeeyay yeeshayGolaha Amniga.[13] Ururkii [Midowga Wadanada]] wuxuu si sharci ah u baaba'ay 18 Abril 1946 waxaana hadafkii iyo mashaariicdiisii lagu wareejiyay Qaramada Midoobay.

Shaqada

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Ururka Qaramada Midoobay wuxuu qabtey hoowlo aad u balaadhan; kuwaasi waxaa ugu muhiimsan horumarinta xidhiidhka bulshooyinka, daryeelidaxuquuqda Aadamaha, horumarinta dhaqaalaha, dabargoynta gumeysiga,caafimaadka iyowaxbarashasa, daryeelkaqoxootiga iyoganacsiga. Rajada ugu wayn ee laga aaminsan yahay Qaramada Midoobay waa ineey baajiso (joojiso) inuu dhaco daagaal wayn (dagaalka sadexaad), kaasi oo baabi'in kara dadka iyo duunyada caalamka.

Fadhiga iyo Xafiisyada

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Sidoo kale fiiriXarunta Sare Qaramada Midoobay
Xarunta Sare Qaramada Midoobay

Xarunta Sare Qaramada Midoobay sidoo kaleFadhiga Qaramada Midoobay waa dhisme aad u wayn oo ku yaala caasimadaNew York wadankaMaraykanka.

Xarumaha QM

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Two skyscraper buildings on the bank of a river.
Xarunta sare Qaramada MidoobayNew York
Huge complex of skyscrapers and other large buildings interlaced with trees and gardens. The surrounding area as far as the horizon is filled with trees and large rivers. In the foreground a crane and small building site show that a new construction is underway.
Dhismaha QM magaalada Fiyeena

Badhtamihii Diisambar 1945, ayaa Golaha Guurtida Maraykanka iyo Aqalka Wakiiladu u codeeyeen in Ururuka Qaramada Midoobay laga codsado ineeyXarunta Sare ka dhisato wadankaMaraykanka. Arintaasi way aqbashay Qaramada Midoobay, waxayna deegaan ka salaxatay bariga caasimadaNew York halkaasi oo ay ku iibsatey lacag dhanUS $8.5 milyan oo ahayd lacag deeq ah. Dhismaha oo socday labo sano (1949 ilaa 1950) waxaa la furayXarunta Sare Qaramada Midoobay Janaayo 9, 1951, inkastoo la dhamaystiray dhismaha bishii Oktoobar 9, 1952.[14]Inkastoo xarunta ugu muhiimsan ku taalo caasimadaNew York, ururku wuxuu xafiisyo waaweyn ku leeyahay Jeniifa, Heeg, Fiyeena,Nayroobi iyo meelo kale oo badan.

Xubnaha

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Sidoo kale fiiriWadanada Xubnaha Qaramada Midoobay
A political map of the world with all territories shaded blue to denote United Nations membership, except Antarctica, the Palestinian territories, the Vatican, and Western Sahara, which are grey
Maabka wadanada xubinta ka ah Qaramada Midoobay iyo wadanada QM u aqoonsan tahay wadan (midabka buluuga[15] Waxaa jira deegaano Qaramada Midoobay aqoonsi siinin isla markaana faraha kula jirto maamulkooda ama korka kala socoto. Kuwaas waxaa ka mid ah: Caasimada Fatikan,Deegaanada Falastiin, Galbeedka Saxaraha, iyoAntarktika.
Calamaanta wadanaxa xubinta ka ah QM.

Waxaa jira193 Wadan oo xubin ka ahUrurka Qaramada Midoobay kuwaasi oo mid kasta xubin ka yahayGolaha Sare Qaramada Midoobay.[16]Ka mid noqoshada Qaramada Midoobay waxaa si fiican u sharaxaya Qodobka 4aad eeDastuurka Qaramada Midoobay:[17]

  1. Ka mid noqoshadaQaramada Midoobay waa mid u furan dhamaan dowladaha jecel nabada marka laga reebo kuwa uu dasturku ka reebay, ayadoo la tixraacayo xukunka ururka.
  2. Codsiga ka mid noqoshada Qaramada Midoobay waxaa go'aan ka gaadhi karaGolaha Sare oo la tashanayaGolaha Amniga.

Warbixin taageero leh oo ka timaada Golaha Amnigu waxay u baahan tahay in xubnaha golahaasi codeeyaan taasi oo ugu yaraan sagaal xubnood ogolaansho bixiyaan; kuwaasi oo aanay ku jirin Shanta Xubin ee joogtada ah. Ka dib, ogolaanshaha Golaha Amniga waa ineey ansixiyaan Golaha Sare, kuwaasi oo ugu yaraan labo meelood sadex meelood (2/3) codeeyaan ogolaansho.[18]Sida saxda ah waxaa Qaramada Midoobay xubin ka noqon kara wadanada xorta ah oo kaliya, maantana dhamaan xubnuhu waa kuwo madax banaan.[19]

Xubnihii Lagu Bilaabay

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Maabka wadanada hada xubinta ka ah QM iyo taariikhd ku soo biireen.[20]
  1945 (xubnihii ugu horeeyay)
  1946–1959
  1960–1989
  1990–wakhti xaadirkan (hada)
  wadanada aan xubinta ahayn

Taariikh ahaan Qaramada Midoobay waxaa la aasaasay 24 Oktobat 1945 ka dib markii shanta Wadax ee Xubinta joogtada ah isku afgarteen Dastuurka Qaramada Midoobay. Wadanadaasi aasaaska ka qeyb qaatay waxay kala yihiinShiinaha,Faransiiska,Ruushka,Boqortooyada Ingiriiska, iyoMaraykanka.[21]

Waaxyaha Qaramada Midoobay

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Ururka Qaramada Midoobay wuxuu leeyahay qeeybo, waaxyo, goleyaal, xubno, wakiilo, gudi iyo ururo aad u badan. Marka la soo ururiyo qeeybaha ugu sareeya ururku waa lix waaxood kuwaasi oo qabta shaqooyin kala duwan, isla markaana maamulo dhamaan xubnaha, wakiilada, barnaamijyada, haayadaha, ururada hoos yimaada Qaramada Midoobay. Kuwaasi oo kala ah:Golaha Sare; (t)Golaha Amniga; (j)Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada; (x)Golaha Kalsoonida (waaxdani ma shaqeeyso hada); (kh)Maxkamada Cadaalada Caalamiga; iyo (d)Golaha Xoghaynta.[22]

Golaha Sare

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Hoolka Golaha Sare Qaramada MidoobayXarunta Sare QM,New York
Xubinimada iyo Ka Qeybqaadashada
Labo qoraal oo sharaxaya xubinimada iyo ka qeyb qaadashada shaqada Golaha Sare, fiiri:

Golaha Sare Qaramada Midoobay (Af Ingiriis:United Nations General Assembly;Af Carabi:لاسعانود‎) (sida badan loo soo gaabiyoUNGA amaGA) waa xubin ka mid ahLixda Xubnood Qaramada Midoobay iyo meesha kali ah ee dhamaan xubnaha Qaramada Midoobay ku leeyihiin wakiilo (dad matala). Golahani wuxuu awood u leeyahay inuu xaqiijiyo kharashka ku shaqeeyso Qaramada Midoobay, u magaaco xubin aan joogto ahaynGolaha Amniga Qaramada Midoobay, ka helo warbixin dhamaan xubnaha, wakiilada, hayadaha iyo ururada Qaramada Midoobay isla markaana amar iyo talobixin siiyo ururadaasi.[23]

Golaha Amniga

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Qolka Golaha Amniga

Golaha Amniga Qaramada Midoobay (Af Ingiriis:United Nations Security Council, loo soo gaabiyo: (UNSC);Af Carabi:لاسعانود‎) waa xubin ka mid ahlixda xubin ugu sareeysaUrurka Qaramada Midoobay iyo waaxda masuulka ka ahamniga iyo nabada caalami eeaduunka, iyo xubinta u qaabilsan aqbalitaanka ka mid noqoshadaJimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa. Sidoo kale Golaha Amnigu wuxuu u qaabilsan yahay inuu socodsiiyo, fuliyoSharciga Qaramada Midoobay.

Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Fadhiga Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada QM.Xarunta Qaramada Midoobay,New York
Qaraarkii ECOSOC 2007/25: ku taageeraysay talaaboyinka dowladaha madaxa banaan.

Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobay (Af Ingiriis:United Nations Economic and Social Council;Af Carabi:لاسعانود‎) (loo soo gaabiyo:ECOSOC) waa xubin ka mid ahlixda xubin ugu sareeysaUrurka Qaramada Midoobay. Sidoo kale hayadani waxay ka masuul tagay iskuxidhka iyo maamulida dhaqaalaha, bulshada iyo wixii la xidhiidha ee 14 hay'ado wakiilo khaas u ah Qaramada Midoobay.Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobay wuxuu leeyahay 54 xubnood; kuwaasi oo yeesha hal kulan oo afar todobaad ah bisha Luuliyo halmar sanadkii si ay ugu arimiyaan howlaga loo igmaday.

Golaha Kalsoonida

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
fadhiga Golaha Kalsoonida
Dunida sanadkii 1945, xubnaha Golaha Kalsoonida QM waa midabka cagaaran.
Dunida sanadka 2010, ma lahan ddeegaano leh Golaha Kalsoonida

Golaha Kalsoonida Qaramada Midoobay (Af Ingiriis:United Nations Trusteeship Council, loo soo gaabiyo: (UNTC);Af Carabi:لاسعانود‎) waa xubin ka mid ahxubnaha ugu muhiimsanQaramada Midoobay taasi oo loo sameeyay si ay u caawiso maamulka iyo gacan ku hayntadeegaanada lagu aaminay Qaramada Midoobay. Sidoo kale ula jeedada ururku wuxuu ahaa inuu gacan ka geysto maamulida deegaanada aan weli madaxbanaanida qaadan isla markaana hoostegin wadanadiigumeystaha, iyo inuu ilaaliyo xidhiidhka iyo nabada caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee,Dagaalkii Labaad ee Aduunka wixii ka dambeeyay waxaa deegaano badan noqdeen wadano xor ah taasi oo meesha ka saartey farogelintii iyo maamulkii Golaha Kalsoonida Qaramada Midoobay.

Golaha Maxkamada Cadaalada

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Fadhiga Maxkamada Aduunka

Maxkamada Cadaalada Caalamka (Af Ingiriis:International Court of Justice, loo soo gaabiyo: (ICJ);Af Carabi:لاسعانود‎) (sida caadiga ah loo yaqaano"Maxkamada Aduunka") waa waaxda koowaad QM|cadaalada Qaramada Midoobay]] taasi oo fadhigeedu yahayDhismaha NabadaHeeg wadankaHolland. Shaqada ugu horeeysa ee hayadani waa ineey xaliso muranka xadadka iyo ilaaliso heshiisyada dhulka ee wadanada xubinta ka ah hayadani.Sidoo kale waxay talobixin siisaaGolaha Sare,hayadaha Qaramada Midoobay iyo wixii soo hoosgala.

Xoghaynta

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Xoghayaha hada jooga xafiiska mudane Ban ki moon.!!'?

Golaha Xoghaynta Qaramada Midoobay (Af Ingiriis:United Nations Secretariat;Af Carabi:لاسعانود‎) waa xubin ka mid ahlixda waaxood ugu muhiimsan Qaramada Midoobay.[24] Hadaba Golaha Xoghayntu waa waaxda talogoynta Ururka Qaramada Midoobay. Golaha Xoghayntu waxaa horsocdaXoghayaha Guud kaasi oo qabta shaqo aad u muhiim ah, sida go'aan goynta, diyaarinta qorshooyinka ururka iyo isku xidhka dhamaan waaxyaha Qaramada Midoobay.

Jagada Xoghayaha Guud waa hogaanka sare ee Golaha Xoghaynta Qaramada Midoobay, qeyb ka mid ah xubnaha ugu muhiimsanQaramada Midoobay. Sidoo kale Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay waa afhayeenka iyo hogaanka guud ee Qaramada Midoobay. Wakhti xaadirkan waxaa Xoghaye Guud ka ah Qaramada MidoobayBan Ki-moon oo u dhashay wadankaKoonfur Kuuriya, kaasi oo xafiiska ku wareegay horaantii bishii Janaayo 2007. Jaale Banki Moon wuxuu xilku ka dhamaaday 31 Diisambar 2011, waxaana si muran la'aan au dib loogu doortay mar labaad 21 June 2011.[25]

Guud ahaan Ururka Qaramada Midoobay waxaa soo maraysideed xoghaye oo ka soo jeedaqaarado kala duwan ee caalamka.

Liiska Xoghayaha Talada Soo Qabtey

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Madax Kale

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Madaxweynaha Golaha Sare Qaramada Midoobay waa jago (boos) loo codeeyo qofka noqonaya madaxa sare eeGolaha Sare eeQaramada Midoobay taasi oo dhacda halmar sanad kasta. Madaxweynaha la doorto wuxuu ka shaqeeyaa arimaha Golaha Sare oo kali ah. Wakhti xaadirkan (2015) waxaa madaxweyne u ah Golaha SareMogens Lykketoft oo dhashay wadankaDenmark. Mudane Lykketoft wuxuu ku soo baxay kalafadhigii codaynta madaxnimo ee 71aad, waxaana xafiiska lagu wareejiyay 15 Sebteember, 2015.[26][27]

Hay'adaha iyo Wakaaladaha

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Sidoo kale fiiriLiiska Hayadaha Qaramada Midoobay

Wakiilada Khaaska sidoo kale loo yaqaanoHay'ad Khaas waa ururo wakiil iskeed isku maamusha kuwaasi oo hoostagaQaramada Midoobay iyo midba kooxda ay ku xidhan tahay ee dhaqaale iyo saamiyad la wadaagto iyo shaqo intaba. Inta ugu badan hayadaha u adeega Qaramada Midoobay waxay si toos ah ama dadban u hoostegaa xafiiskaGolaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobay halkaasi oo ay warbixin siiyaan ama ka warqaataan Xoghayaha Guud ee Waaxda Iskuxidhka.[28] Wakiilada khaaska ah waxay iskugu jiraan kuwo ay abuurtey Qaramada Midoobay iyo kuwo ururo kale sameeyeen laakiin waxay dhamaan ku shaqeeyaan nidaamka Qaramada Midoobay kaasi oo saldhig u yahayDastuurka Qaramada Midoobay. Wakhti xaadirkan (2015) guud ahaan waxay Qaramada Midoobay leedahay 15 haayadood[29][30] khaas ah kuwaasi oo qabta shaqooyin kala duwan ayagoo matalata Qaramada Midoobay. Hadaba 15ka wakiil khaaska ahi waa kuwan:[31]

Wakiilada QM iyo Ururo La Xidhiidha

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
TiroAstaanMagacaLoo soo gaabiyoXarun sareLa AasaasayWadanada XubnahaMaabka iyo Tixraac
-Ururka Qaramada MidoobayQM, UNMaraykanka, New York1945[1]
Wakiilada Khaaska
01.Ururka Cuntada iyo DalagaFAO, UCDTalyaaniga, Roma1945[2]Archived Maarso 8, 2011 //Wayback Machine
02.Ururka Adeega Duulista CaalamigaICAOKanada, Montreal1947[3]
03.Kharashka Horumarinta Beeraha CaalamkaIFADTalyaaniga, Rome1977[4]Archived Agoosto 3, 2013 //Wayback Machine
04.Ururka Shaqaalaha AduunkaILOSwitzerland, Jeniifa1919[5]
05.Ururka Badaha AduunkaIMO, UBAUK, London1959[6]Archived Luuliyo 6, 2010 //Wayback Machine
06.Ururka Sicirka Lacagta CaalamkaIMFMaraykanka, Washington, D.C.1945[7]
07.Midowga Isgaarsiinta CaalamigaITUSwitzerland, Jeniifa1865[8]
08.Ururka Waxbarashada, Sayniska iyo DhaqankaUNESCOFaransiiska, Baaris1946[9]Archived Luuliyo 22, 2012 //Wayback Machine
09.Machadka Cilmibaadhista Cadaada iyo Dabagalka DambiyadaUNIDOUsteeriya, Fiyenna1985[10]
10.Midoowga Adeega Boostada CaalamkaUPUSwitzerland, Bern1874[11]Archived Maarso 21, 2019 //Wayback Machine
11.Bankiga AduunkaWBGUSA, Washington, D.C.1945[12]Archived Oktoobar 9, 2012 //Wayback Machine
12.Ururka Caafimaadka AduunkaWHOSwitzerland, Jeniifa1948[13]
13.Ururka Goaanka Mulkiyada AduunkaWIPOSwitzerland, Geneva1967[14]
14.Ururka Saadaasha Hawada AduunkaWMOSwitzerland, Geneva1950[15]
15.Ururka Dalxiiska DunidaUNWTOIsbayn, Madrid1974[16]Archived Luuliyo 15, 2007 //Wayback Machine
Ururo Kale La Xidhiidha
16.Ururka Diyaarinta Mamnuucida Tijaabinta NukliyeerkaCTBTO Prep ComUsteriya, Vienna1996[17]
17.Wakaalada Awooda Atomik AduunkaIAEAAustria, Vienna1957[18]
18.Ururka Mamnuucida Hubka KimikoOPCWHolland, Heeg1997[19]
19.Ururka Ganacsiga AduunkaWTOSwitzerland, Jeniifa1995[20]Archived Jannaayo 5, 2012 //Wayback Machine

Qoraalo La Xidhiidha

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
Habka Qaramada Midoobay
Xubnaha Aasaaska
Barnaamijyada iyo
wakiilada khaaska
Xafiisyada ugu Muhiimsan
Xubnaha / Ilaaliye
Taariikh
Qaraaryo (go'aan)
Doorasho
Qodobo La Xidhiidha
Waxyaabo Kale

Tixraac

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
  1. Official Languages, www.un.org. Retrieved 22 May 2015.
  2. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyaythe original 2006-09-27. Soo qaatay2006-09-27. Barameter aan la aqoon|ciwaan= ignored (caawin)
  3. Townsend Hoopes and Douglas Brinkley,FDR and the Creation of the U.N. (1997) pp 1-55
  4. David Roll,The Hopkins Touch: Harry Hopkins and the Forging of the Alliance to Defeat Hitler (2013) pp 172-75
  5. Robert E. Sherwood,Roosevelt and Hopkins, An Intimate History (1948) pp 447-53
  6. Edmund Jan Osmańczyk. Taylor & Francis. p. 2445http://books.google.com/books?id=6AB2CadyN7QC&pg=PA2445. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  7. Stephen C. Schlesinger,Act of creation: The founding of the United Nations: A story of superpowers, secret agents, wartime allies and enemies, and their quest for a peaceful world (2003)
  8. http://www.un.org/en/aboutun/history/dumbarton_yalta.shtml
  9. Robert C. Hilderbrand,Dumbarton Oaks: The Origins of the United Nations and the Search for Postwar Security (UNC Press, 2001)
  10. http://www.un.org/aboutun/sanfrancisco/history.html The 60th Anniversary of the San Francisco Conference
  11. http://www.un.org/depts/dhl/unms/founders.shtml
  12. . United Nationshttp://www.un.org/en/aboutun/history/1941-1950.shtml. Soo qaatay12 March 2015. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  13. . United Nationshttp://www.un.org/en/sc/about/. Soo qaatay12 March 2015. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  14. http://select.nytimes.com/gst/abstract.html?res=F10813F7385E177B93C2A8178BD95F468585F9
  15. (PDF). United Nationshttp://www.un.org/Depts/Cartographic/map/profile/world.pdf. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  16. . United Nationshttp://www.un.org/depts/dhl/unms/whatisms.shtml. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  17. . United Nationshttp://www.un.org/en/documents/charter/chapter2.shtml. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  18. . United Nationshttp://www.un.org/en/members/about.shtml. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  19. Toeplar, Stefan (2009). p. 114. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  20. . United Nationshttp://www.un.org/en/members/growth.shtml. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  21. . United Nationshttp://www.un.org/aboutun/unhistory/. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  22. Qeybaha Qaramada MidoobayUnited Nations. United Nationshttp://www.un.org/en/sections/about-un/main-organs/index.html. Soo qaatay9 April 2015. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  23. CHARTER OF THE UNITED NATIONS: Chapter IV. UN.org.
  24. Xoghayaha Qaramada MidoobayUnited Nations. United Nationshttp://www.un.org/en/sections/about-un/secretariat/index.html. Soo qaatay9 April 2015. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  25. . BBC News. 21 June 2011http://www.bbc.co.uk/news/world-us-canada-13868655. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  26. "Nuqul Archive". Global Post. November 29, 2014. Waxaa laga kaydiyaythe original Bisha Laba iyo Tobnaad 18, 2014. Soo qaatayDecember 17, 2014. Barameter aan la aqoon|ciwaan= ignored (caawin);Hubi qiimaynta taariikhda:|archive-date= (caawin)
  27. . Un.org. June 23, 2014http://www.un.org/en/ga/president/68/news/6232014_speaker_denmark.shtml. Soo qaatayDecember 18, 2014. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  28. (PDF)http://www.un.org/aboutun/chart_en.pdf. Maqan ama ebar|title= (caawin)
  29. REPERTORY OF PRACTICE OF UNITED NATIONS ORGANSSUPPLEMENT No. 10 (2000-2009) - ARTICLE;United Nations
  30. Eckart Klein:United Nations, Specialized Agencies, para.9. In:Max Planck Encyclopedia of Public International Law.
  31. UN structure and organization, Specialized Agencies
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:


Cite error:<ref> tags exist for a group named "lower-alpha", but no corresponding<references group="lower-alpha"/> tag was found

Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Qaramada_Midoobay&oldid=285751"
Qeybaha:
Qeybaha qarsan:

[8]ページ先頭

©2009-2025 Movatter.jp