Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Mucaad Bin Jabal

Ka Wikipedia

Mucaad Bin Jabal R.C: WaaSaxaabi ka mid ah saxaabada, wuuxuu isku ahaa Faqiih iyo Qaariquraanka yaqaan,Furashada makka ka dib waxa oo Nabiga scw ku dhaafaymakka si uu dadka u baro diinta, sanadkii9aad ee hijrigayaman ayuu u diray asigoo ku maqan buu dhintay rasuulka scw.

Mucaad bin jabal
mucaad bin jabal
معاذ بن جبل
saxaabi
xog ku saabsan
aabihiisa:jabal bin camar
hooyadiihinda bint sahal
Dhashay:18 sano ka hor hijrada
Ku dhashay:Madiina
Diintiisa:Islaam
xaaskaUmu camar binti Khaalid
ilmahiisaCabdi raxmaan bin mucaad
Dhintay:18H/639
Ku dhintay:Waqooyiga shawna,urdun

Mucaad wuxuu ka qeyb ka noqdayfurashooyinka shaam, sanadkii 18H ayuuna ku dhintaydaacuunkii

camwaas

Taariikh nooleedkiisa

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Mucaad wuxuu ku dhashayMadiina (yasrib) wuxuu ka ahaaAnsaar reekhazraj, Aabihiis wuxuu dhintay asigoo yar, Hooyadii Hinda binti sahal ayaa guursatay nin reerBanii salima ahaa mucaad ayaa ku soo dhex koray reerkaas halka asaga uu laf ahaan ahaa ree banii udday, hooyadiina ree juhayna ahayd[1]

Wuxuu islaamay asigoo jira 18 sano[2], wuxuuna xaadiraybeca caqaba labaad.

Markuu nabiga u soo haajirayMadiina wuxuu walaaleeyay Mucaad iyoibni mascuud[3], waxa uu kala qeyb galy rasuulka scwDagaalkii badar iyo dhamaan dagaalada kale[4]

Markii lafurtay makka sanadkii8aad hijiriga wuxuu Nabiga scw u xushaycataab bin useyd inuu tujiyo salaada, Mucaad na wuxuuna faray inuu dadka baroQur'aanka oo u sharaxo mabaadi'da diinta, Markii uu waajibkaas gutay oo uuMadiina ku soo laabtay, waxa uu sii waday bariddaqur’aanka iyo cilmiga diinta, wuxuu la tukan jiray Nabiga scw kadib tolkiisa ree banii salima ayuu aadi jiray oo tujin jiray[5] Waxaa dhacday mar inuu ka soo dacwooday nin ka cabanaya salaada oo dadka ku dheereen jiray, Nabiga scw ayaa aad uga carooday waxa uu faray inuu fududeeyo Salaada maadaama ay ku daba tukanayaan qof weyn, qof yar iyo mid dan leh[6]

Sanadkii 9aad hijiriga Nabiga scw ayaa u diray carigayaman si uu dadka diinta ugu yeero, waxa uuna siiyay dadrdaan oo ku dhahaayay;

Mucaadow waxaa u tagi doontaa qoloahlu kitaab ah waxa ugu horeeya aa ugu yeereeso ha ahaado inay Alla waxidaan, hadeey kaa yeelaan ogeysii inuu Alla ku faral yeelay shan salaadood maalin kasta iyo habeen kasta, hadeey kaa yeelaan ogeysii inuu Alla ku faral yeelay sadaqo laga qaadaayo kuwooda taajiriinta ah laguna celinaayo kuwooda fuqarada ah, hadeey kaa yeelaan iska jir xoolahooda wanaagsan kana dhowrso habaarka qofka dhibana ah uma dhaxeeyo asaga iyo Alla wax xijaab ah[7]

In mudo ah ayuu ka waday Mucaad dacwad dhulkayaman wuxuuna ka xaqiijiyay guulo fara badan wuxuu soo saaray jiil door muhiim ah ka qaataydagaaladii ridada iyofurashooyinka shaam iyociraaq, sidoo kale masjidkii ugu horeeyay ayuu ka dhisay dhulkayaman[8], intuu ku maqnaayaman ayuu dhintay rasuulka scw.

Waqtigii khulafa raashidiin

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

khilaafadaAbuubakar ayuu ka soo laabtayyaman wuxuu ku sugnaaMadiina ilaa waagiiCumar markaas oo dalbadeen reeshaam dadquraanka bara iyo Axkaamta sharciga,Cumar ayaa isugu yeeray shanansaarta ka mid ah oo xafideenQuraanka Xilligii rasuulka scw, kuwaas oo kala ahaa; mucaad,Ubayy bin kacab,Abuu dardaa,Abuu ayuub iyocabaada bin saamit, waxa uuna u sheegay inay iska sooraan rag aadoshaam, waxey dhaheenAbuu ayuub waa oday da' ahUbayna wuu xanuunsan yahay, sedexda soo hartay ayaa baxeeso,cumar wuxuu u kala dirayXimsa,Dimashiq iyoFalastiin, Mucaad wuxuu u baxayXimsa, halkaas ayuuna ka bilaabay faafinta diinta.

Mid ka mid ahtaabiciinta oo sheekeenaya ayaa yiri; waxaa soo galay masjidka xamza waxaa uu ku arkay wiil dhalinyaro ah oo dadka ku hareersan yihiin iskuna cariirinaayaan, aad moodid inuu afkiisa kasoo baxaayo nuur iyoluul, waxaa dhahay yaa waay qofkaan? Waxey dhaheen waa Mucaad[9].

Dhimashadiis

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
See also:Daacuunkii camwaas
Dariixa mucaad bin jabal waqooyiga shawna ee urdun

waxaa ka dilaacay dhulkashaam daacuun loo bixiyaydaacuunkii camwaas kaas oo ay ku la'deen kumanaan muslimiinta ka mid ah, waxaa ku jiray dadka ku dhintayAbuu cubeyda hogaamiyihiiShaam wuxuuna ka dardaarmay inuu Mucaad hogaamiyo muslimiinta[10], Mucaad wuxuu ahaa inuu doon doonaayay la kulanka Alle, khudbab ayuu jeediyay oo ku lahaa:«Cudurkaan waa naxariis, waa ducada nabigiina iyo dhimashada dadka wanaagsan hortiina, Mucaad na wuxuu Alla weydiisanaa inuu ka siiyo mucaad iyo reerkiis qeybtooda»[11], wiilkiisaCabdiraxmaan ayuu cudurka ku dhacay wuu dhintay, labadiisa xaas ayaa cudurka u dhintay, kadib Mucaad ayuu cudurka haleelay asna wuu ku dhintay[12], daacuunkaan wuxuu ahaa sanadii18aad ee hijriga.

Mucaad wuxuu dhahay markuu sakaraadka u yimid:«Fiiriya waaga ma baryay?»«waxaa la dhahay may wali ma baryin» xoogaa ka dib ayaa baa lagu dhahay wuu baryay, wuxuu dhahay:«Alla ayaa ka magan galay habeen subaxdeedu naar tahay, soo dhawaaw mowdoow mid booqdo oo la jecel yahow, Allahayow waxaa ahaa inaa kaa baqaayo, maantase waa ku rajeynaa, waa ogtahay inaa aduunyada u jecleen talaalida geedaha iyo dureerinta wabiyada, laakin inaa oomo maalin weynta oo dhibtooda saacadaha iyo inaa culumada ku cariirsado xalqadaha»[13].

Darajadiisa cilmiga

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Mucaad wuxuu laazimay Nebiga scw tan iyo markiimadiina u soo hijrooday wuxuu ka bartayQur'aanka iyo axkaamta shareecada heer wuxuu gaaray inuu ka mid dad yar waagii rasuulka scw dadka u iftoon jireen[14]

Anas bin maalik ayaa yiri «waqtigii rasuulka scw afar qof oo reeAnsaar ah ayaaQur'aanka dhan xifdiyeen waanaubay bin kacab,mucaad bin jabal,zeyd bin saabit iyo Abuu zeyd oo ina adeertey ka mid ahaa»

Xadiis uu Nabiga scw ku xusay fadliga saxaabada qaar ayaa ahaa «Umadeyda waxaa ugu naxariis badanAbuubakar, waxaa ugu daran diinta AllahCumar, waxaa ugu run sheeg badan xishoodkacusmaan waxaa ugu aqoon badan xalaasha iyo xaaraantaMucaad, waxaa ugu dhaxal siin badanzeyd bin saabit, umad kasta Amiin bay leedahay Amiinka umadaana waaabuu cubeyda»[15]

Dhaqankiisa wanaagsanaa

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Mucaad wuxuu ku tilmaamnaa zuhdigiisa iyo dabeecad wanaagiisa xaga cibaadada aad buu ugu dadaali jiray, habeenka markuu istaago wuxuu ku duceysan jiray "Allahayow raadinteyda janada wey hooseysaa, ka cararideyda naartana wey liidataa ee agtaada iiga yeel hanuun maalinka qiyaama, adiga balanta kama baxdid".

XirIirka Rasuulka kala dhexeeyay

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Inkastoo Mucaad da'diisa ay yareed hadana wuxuu boos weyn ka joogay Nabiga scw agtiisa cilmigiisa awgiis iyo xifdintiisa Qur'aanka, wuxuu dhihi jiray Nabiga scw "Waxaa fiicnaaday nin Mucaad ayaa fiicnaaday"[16], kalsoonida uu ka heystay Nabiga scw waxey gaariisay marar badan inuu u diray meelo kala duwan si uu dacwada u faafiyo, marar badan wuxuu la socon jiray Nabiga scw xitaa farskiisa ayuu gadaal kala raaci jiray, Maalin ayuu rasuulka scw qabtay gacantiisa waxa uuna ku dhahay "Mucaadow waa ku jeclahay aniga ee waa kuu dardaarmaa haka tagin salaad kasta gadaasheed inaa dhahdid: Allahayow igu kaalmeey xuskaaga, mahdintaada iyo cibaadadaada wanaageed"[17]. Mucaad ayaa si fiican u dhageysan jiray una qaadan jiray hadalka Rasuulka scw. Markii Mucaad oo u baxaayayYaman rasuulka scw kusii sagootiyay dardaan iyo waano, Mucaad oo fuushan iyo rasuulka scw oo lugeynaya, waxaana hadaladiis ka mid ahaa "Mucaadow waxaa laga yaabaa sanadkaan ka dib inaadan ila kulmin, laga yaabee inaa masjidkeeya soo martid iyo qabrigeeya Mucaad ayaa is hayn waayay oo oohin la dhacay cabsi uu ka qabo inuu Rasuulka scw faaruqo"[18]. Wixii oo ka baqaayay ayaana dhacdayYaman asigoo ku maqan ayuu dhintay Rasuulka scw.

Xigasho

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
  1. عبد الحميد الهماز (1994) ، معاذ بن جبل إمام العلماء ومعلم الناس الخير (الطبعة الثالثة)، دمشق: دار القلم، صفحة 13-14. بتصرّف.إقرأ المزيد على موضوع.كوم:https://mawdoo3.com/%D9%85%D9%86%D8%B2%D9%84%D8%A9_%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0_%D8%A8%D9%86_%D8%AC%D8%A8%D9%84#cite_note-LDDwqDLonn-10
  2. أسد الغابة في معرفة الصحابة - معاذ بن جبلArchived Abriil 15, 2017 //Wayback MachineTemplate:WhiveArchived 2017-04-15 at theWayback Machine
  3. الطبقات الكبرى لابن سعد - مُعَاذُ بْنُ جَبَلِ (2)Archived Abriil 15, 2017 //Wayback MachineArchived 2017-04-15 at theWayback Machine
  4. ابن منظور، مختصر تاريخ دمشق، صفحة 368 369. بتصرّفإقرأ المزيد على موضوع.كوم:
  5. https://web.archive.org/web/20221013190554/https://islamic-content.com/hadeeth/929. Archived fromthe original on 2022-10-13. Retrieved2022-10-13.{{cite web}}:Missing or empty|title= (help);Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  6. https://www.alukah.net/sharia/0/149351/%D8%B4%D8%B1%D8%AD-%D8%AD%D8%AF%D9%8A%D8%AB-%D8%A3%D8%A8%D9%8A-%D9%85%D8%B3%D8%B9%D9%88%D8%AF-%22%D8%A5%D9%86-%D9%85%D9%86%D9%83%D9%85-%D9%85%D9%86%D9%81%D8%B1%D9%8A%D9%86%22/
  7. https://hadeethenc.com/ar/browse/hadith/3390
  8. https://www.albayan.ae/supplements/ramadan/sites/2012-08-05-1.1701969?ot=ot.AMPPageLayout
  9. https://www.islam.ms/ar/%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0-%D8%A8%D9%86-%D8%AC%D8%A8%D9%84
  10. الطبقات الكبرى لابن سعد - مُعَاذُ بْنُ جَبَلِ (5)Archived Abriil 15, 2017 //Wayback MachineArchived 2017-04-15 at theWayback Machine
  11. أبو عبيدة بن الجراح رضي الله عنه - شبكة الألوكةArchived 2017-08-27 at theWayback Machine
  12. الطبقات الكبرى لابن سعد - مُعَاذُ بْنُ جَبَلِ (6)Archived Abriil 15, 2017 //Wayback MachineArchived 2017-04-15 at theWayback Machine
  13. https://web.archive.org/web/20221014181322/https://mqaall.com/the-death-of-muadh-bin-jabal/. Archived fromthe original on 2022-10-14. Retrieved2022-10-14.{{cite web}}:Missing or empty|title= (help);Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  14. http://m-noor.com/showthread.php?p=28641
  15. رواه ابن حبان، في صحيح ابن حبان، عن أنس بن مالك، الصفحة أو الرقم: 7252، أخرجه في صحيحهإقرأ المزيد على موضوع.كوم:https://mawdoo3.com/%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0_%D8%A8%D9%86_%D8%AC%D8%A8%D9%84#cite_note-ypxK3sFwMz-5
  16. رواه ابن حبان، في صحيح ابن حبان، عن أبي هريرة، الصفحة أو الرقم: 7129، صحيحإقرأ المزيد على موضوع.كوم:https://mawdoo3.com/%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0_%D8%A8%D9%86_%D8%AC%D8%A8%D9%84#cite_note-yt0uqowuyJ-4
  17. https://binbaz.org.sa/audios/595/16-%D9%85%D9%86-%D8%AD%D8%AF%D9%8A%D8%AB-%D9%8A%D8%A7-%D9%85%D8%B9%D8%A7%D8%B0-%D9%88%D8%A7%D9%84%D9%84%D9%87-%D8%A7%D9%86%D9%8A-%D9%84%D8%A7%D8%AD%D8%A8%D9%83
  18. https://web.archive.org/web/20221229030137/https://www.hadithportal.com/index.php?show=hadith&h_id=649&book=34. Archived fromthe original on 2022-12-29. Retrieved2022-12-29.{{cite web}}:Missing or empty|title= (help);Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Mucaad_Bin_Jabal&oldid=280532"
Qeybaha:

[8]ページ先頭

©2009-2025 Movatter.jp