Malta amaJamhuuriyadda Malta loona jaqaano (jasiirada malta). waa Wadan jasiirado ka kooban oo ku yaaloBada Dhexe eeYurub . malta waa mid kamida wadamada ugu yaryar qaaradaYurub malta waxa ay kakoobantahay sadex jasiiradood oo aad u yaryar.
Malta juquraafi ahaan waxa ay kutaalaa qaaradaAfrika laakiin siyaasad ahaan waxay raacsantahay qaaradaYurub wadanka ugu dhaw wadamadaYurub waa wadanklataliyaaniga dhanka kale jasiirada maalta waxa ay aad iyo aad ugu dhawdahay wadamada waqooyiga qaardaAfrika sidaLibiya iyoTunisiya wadanku waxa uu ka koobanyahy sadex jasiiradood oo ladaganyahy waxaana ugu wayn jasiirada malta waxaa soo labaysa jasiiradaGozo waxa kale oo sadexda jasiiradood ee malta ka koobantahy kamida jasiiradaKemmuna oo ah jasiirad aad u yar waxa kale oo jira jasiirado dhawr ah oo aad uyaryar cidina ayna kunoolayn.jawiga jasiirada malta waa jawiga ama cimilada bada dhexe.
dadka malta kunooli waxa ay tiro ahaan gaadhayaan afar boqol oo kun oo qof waxa jira qurbojoog gaadhaya halmilyan oo maalta katagay kuna nool daafaha caalamka dhamaan dadka kunool maalta waxa ay haystaan diinta kiristanka. waxaanay ka tirsanyihiin kaniisada katoliga
Dadka reer malta waxa ay kuhadlaan luqada maltiska oo ah mid kamida faraca luqadaha (Luqadaha Semitiga ) waxa la ogyahay in dadka maltisku ay kasoo jeedaan waqooyiga afrika gaar ahaan tunisiya iyo libiya sidaas awgeed luqda maltisku waa farac ka lumay carabiga %60 kalmadaha luqada maltisku waa carabi walaw ay luqadaha ingiriisiga iyo talyaanigu aad u bedeleen.luqada maltiska waxa loo isticmaalaa xarfaha latinka
Madaxwaynaha jamhuuriyada malta waxa lagasoodoortaa baarlamaanka. madaxwaynuhu malaha wax awood culus ah waxa uu madaxwaynuhu magacaabaa raysalwasaaraha iyadoo la eegayo natiijadii doorashooyinka caadatan raysalwasaaruhu waxa uu noqdaa gudoomiyaha xisbiga doorashada ku adkaada xiliga barlamaanka doorashooyinkiisa lagujiro. baarlamaanka malta waxa lagumagaacaabaa (Kamra tar Rappreżentanti ). oo amcneheedu yahay golaha wakiilada
Tiirarka uguwaawayn ee dhaqaaalaha malta waxa kamida beeraha kaluumaysiga dalxiiska. shirkada (Malta Drydocks) waa shirakada uguwayn ee shaqaalha fursado shaqo siisa waana shirkada labaad eeyurub ugu wayn dhanka samaynta agabka kaluumaysiga. waxa kale oo iyana jirta shirkad lagu magacaabo (AJD TUNA) oo ah shirkadabada dhexe ugu wayn dhanka kaluumaysiga. malta sanadkii waxa malta dalxiis ahaan u yimaada dad aad ubadan oo kayimaada wadamada qaaradayurub kuwaas oo dakhlibadan sogaliya wadanka malta