Macawiis (Af Ingiriis:sarong;Af Carabi:معوءز) sidoo kale loo yaqaanoGuntiimo, waa shay dabacsan oo ka samaysandun, amacudbi, amaharag kaasi oo la tolay. Macawiistu waxay ka mid tahaydharka ragga inkastoo dumarka laftoodu xidhaan mararka qaar. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haragaxoolaha,xayawaanka iyocudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]
Hordhac
Macawiist waxay ka mid tahay dharka joogtada ah ee rag iyo dumarba. Macawiistu waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Macawiistu wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee shaadhasha waxaa ka mid ah raqabada, jeeb iyo galuusyo (badhano) badan oo laabta ku dhex yaala.[2]
Magaca
EreygaMacawiis asal ahaan waa midAf-Faarisi kaasi oo luuqado badan ka soo amaahdeen.[3]
Dharka
Dharka (Af Ingiriis:Textile ama Cloth;Af Carabi:نسيج (قماش)) waa shay dabacsan oo ka samaysandun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haragaxoolaha,xayawaanka iyocudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[4] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee barigaYurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaaHu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah:surwaalka,shaadhka,diraca,shalmada,goonada,koodhka,kabaha iyo kuwo kale oo badan.[5][6]