Taariikh ahaan, dadku waxay midhaha liinta aqoon u lahaayeen tan iyo qarniyaal badan. Sida lagu cadeeyay qoraal la helay wakhti dhowayd, dadkaShiinaha waxay isticmaali jireen khudaarta liinta ilaa314 sano Ciise Hortii[3][4][5][3]Beerashada geedka liintu wuxuu aad u batay sanadkii 1987kii taasi oo la sheegay in uu labo-laabmey beerida iyo soo saarka liintu, taasi oo iyadna ku salaysneed kordhitaanka suuqa liinta caalamka.[6] Orange trees are widely grown in tropical and subtropical climates for their sweet fruit. The fruit of the orange tree can be eaten fresh, or processed for its juice or fragrant peel.[7]
Warbixin ay Hay'ada Cuntada Aduunku soo saartey sanadkii 2012ka Liin Macaantu waxay ahayd 70% dhamaan liinta caalamka la soo saaro.[8] Wadanada caalamku waxay soo saareeyn ilaa 71.4 milyan oo liin ah sanadkii 2013ka, taasi oo wadankaBaraasiil ahaa midka koowaad, wadankaMaraykanka ayaa ku noqdey wadanka labaad ee ugu soo saarka badan liinta aduunka, gaar ahaangobolka Florida iyoKalifornia ayaa ugu batay beerida iyo soo saarka.[9]Liinta biyaheedu aad ayay u macaan yihiin, oo waxa ka dhamamasonkor iyo xoogaa dhanaan ah, waxaanay qani ku tahay fiitamiin sii (vitamin c)jidhkadadku u baahan yahay.
Dhamaan noocyada liintu waxay ka soo tafiirmeen geedka "genus" eeSaynis ahaan loo yaqaanoSitrus. Taasi micnaheedu waa in dhamaan noocyada kale (sidaLiin Dhanaanta,Liin Qarbooshta iyoLiin Bambeelmada) ka soo tafiirmeen geedka Jenus ee liin macaanka.[10]
Sida ka muuqatasawir wakhti hore ah geedka iyo midhaha liinta
Liin macaanta waxaaAfka Ingiriiska lagu yidhaahdaa "Orange" taasi oo maanta loo isticmaalo erey lagu sifeeyo mid ka mid ahmidabka (color).[13] Midabka oranji waa mid u dhexeeyahuruud iyocasaanka, waana mid inta ugu badan lagu tusaaleeyo inuu u eeg yahayliin macaanta.
Khudaarta maalin walbadadku isticmaalaan waxaa ka mid ah kuwo la kariyo iyo kuwo bisil oo sideeda lagu cuno. Isku soo wada duub hoos waxaad ku arki qaar ka mid ah guud ahaan khudaarta.