Koonfur Suudaan amaJamhuuriyada Koonfurta Suudaan waa dal ku yaal bariga afrika waxaana caasimada u ahJubba waxeey xad la wadaagtaaSuudaan oo ka xigta woqooyiga,Itoobiya oo ka xigta bariga,Yugandha,Kenya oo ay ka xigaan koonfurta, iyoJamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo ka xigta galbeedka. Koonfurta suudaan waxey mar ka mid ahaan jirtay dalka Suudaan, waxayna kala go'idooda u sabab noqotay 2dii dagaal ee Suudaan, waa markii ee Koonfurta Suudaan noqotay gobol ka madax banaan. Shacabka reer Koonfur Suudaan waxaa afti laga qaaday 9Janaayo ilaa 23Janaayo2011, waxayna 98,83% doorteen in ay go'aan. Taariikhda markay ehayd 9kiiFebaraayo 2011, Koonfurta Suudaan waxay ka mid noqotay Qaramada Midoobay, sidaas darteed waxay noqotay wadanka 193aad ee caalamka ama wadanka 54aad ee QaaradaAfrika.
Ma jirto taariikh horay looga qoray Koonfurta Suudaan, laakiinse waxaa jirto hadalo afka laga soo dhahay, oo ah in Koonfurta Suudaan markeeda hore ee wada degenaan jireen dad reer baadiya ah, intii aysan imaanin qoomiyadaha Dinka iyo Nuer sanadihii 800. Taariikhda marka ay eheed 1822kii Woqooyiga Suudaan waxaa qabsaday Cusmaaniyiinta Masar, Koonfurta Suudaan way madax banaaneed, laakiin1899kii ayaa Ingiriiska iyo Masaarida qabsadeen dhamaan woqooyiga iyo koonfurtaba. Sanado yar ka hor intii ay Suudaan ka madaxbanaaneed Ingiriiska, wuxuu Koonfurta Suudaan iyo Woqooyiga Suudaan ula dhaqmi jiray gobolo kala go'an, sababo la xiriiro cabsi laga qabay cuduro. Gobolada waxay xornimadooda heleen1956kii. Intii aysan madaxbanaanidooda si rasmi ahaan u helin1955kii, Koonfurta Suudaan iyo Woqooyiga Suudaan waxaa dhexmaray dagaalo oo ay Koonfurta Suudaan ku diidayso in ay hoostagto caasimadaKhartuum, dagaaladaas waxay noqdeen kuwa aad u xun oo xukumadaKhartuum ku layneeso shacabka Koonfurta Suudaan.
↑"At a Glance".Official portal. Government of Southern Sudan. 12 July 2011. Archived fromthe original on 28 June 2011. Retrieved24 July 2011.{{cite web}}:Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)