Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Kaban

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan kabanka. Sidoo kale fiiriGitaar.
Kaban
Magac kaleCuud
Nooca
  • Gitaar gaab
  • Qalab xadhko leh
AsalkaBariga Dhexe
Maanta laga isticmaalo
  • Bariga Afrika
  • Bariga Dhexe
  • Meelo kale Aasiya
La xidhiidha

Kaban,Cuud (Af Ingiriis:oud;Af Carabi:ar‎) waa qalab ka samaysayalwaax iyo xodhko kaasi oo sameeya shanqad muusig ah. Kabanka Waxaa loo isticmaala in lagu qurxiyoheesaha.

Kabanka laga isticmaalodhulka Soomaalida waa mid u sameeysan qaabka ubada (leh madax wareegsan iyo dabo dhuuban), wuxuuna inta u badan leeyahay 10 xadhig midaasi oo ka duwangitaarka. Sidoo kale wuxuu leeyahay ugu yaraan labo dalool (qaarkood ilaa afar dalool) kuwaasi oo codka iyo shanqadhu ka soo baxdo.

Kabanka wuxuu caan ka yahayBariga Dhexe iyoBariga Afrika, inkasto laga isticmaalo dhamaan caalamka. Intaas Waxaa dheer, heesaha kabanka kali ah lagu qaado Waxaa loo yaqaanaaqaaci waana heeso degan oo naftu ku raaxaysato.


Taariikh

Muuqaalka qoraal ka hadhay qarnigii 9aad kaasi oo muujinaya qalab u eegkabanka

Cilmibaadhis qoto dheer oo la sameeyay waxaa lagu ogaaday in gitaarka lagu isticmaali jirey deegaano ka mid ahBariga Dhexe tan iyo wakhtiyo aad u horeeyay.Warbixintu waxay sheegtay inMesobotaamiya lagu garaaci jiray wax u eegkabanka wakhti imika laga joogo 3,500 sano.[1] Sidoo kale waxaa la helaydhagax-gacanku samaysan ah oo jira 3,300 sano kaasi oo uu ku xardhan yahay qof garaacaya (ku ciyaarayna) kaban. Dhagaxaas Waxaa la aaminsan yahay in la sameeyay wakhtigiiboqortooyadi kowaad Baabiyloon.[2][3]

Noocyada

Kaban uu garaacayo Nuradiin Cali Amaan, noocaqaaciga.
waxyar ka maqal shanqadha kabanka

Noocyada kabanka ee maanta la isticmaalo Waxaa loo kala saaraa labo nooc:Carabi iyoTurkish. Inkasto guud ahaan kabanku leeyahay qaabab iyo midab badan Waxaa dhamaantiis asal ahaan uu ka soo jeedaa deegaanadaBariga Dhexe halkaasi oo ilaa maanta uu caan ka yahay. Dadkii ugu horeeyay ee kaban garaacda waxay ahaayeenCiraaqiyiinta, iyoSuuriyaanka wakhti imika laga joogo dhowr kun sano.[4]

Sidoo kale Waxaa aad uu isticmaali jiray kabanka tan iyo wakhtiyo hore shacabkaTurkiga kuwaasi oo qarnigii 18aad keenay magaaladaSaylac ee gobolkaAwdal, halkaasi oo la aaminsan yahay inay meeshii ugu horeeysay ee kabanka Soomaalida lagu garaaco.

Soomaalida

muuqaalka kabanka

Ilaa hada lama hayo taariikh sugan goortii iyo meesha uu ka soo galay kabanku carigaSoomaalida. Laakiin markii ugu horeeysay Waxaa la aaminsan yahay in dowladii Cusmaaniyiinya ee wadankaTurkiga keentay qarnigii 18aad magaaladaSaylac ee gobolkaAwdal.[5] Qodobkaasi Waxaa taageeraya infanka iyo suugaanta Soomaaliyeed dararay ama balaadhatay wixii ka dambeyay 1930kii, oo wixii intaas ka horeeyay lama aqoon kaban.

So kastaba ha ahaatee, muusiga iyo fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Waxaa maanta caan ka ah isticmaalka kabanka. Heesaha sida khaaska ah loogu garaaco kabanka Waxaa loo yaqaanaaQaaci.

Garaacitaanka

kaban

Marka dusha laga arkayo Waxaa la moodaa wax fudud oo qof walba garaaci karo, laakiin sida runta ah kabanku wuxuu u baahan yahay xirfad, aqoon iyo gacan furnaan badan. Qofka kabanka sida fiican u garaaca waxay ku qaadataa dhowr sano inuu si fiican ula qabsado, sababtoo ah marka ugu horeeysay wuxuu bahalku dhaawaca faraha.

Si ka duwan gitaarka, kabanku wuxuu leeyahay 10 xadhig kuwaasi iskula socdo si mataano ah (shan kooxood oo min labo xadhig ag), kuwaasi oo dhawaqa ay sameeyaan kala duwan yahay. Xadhkaha sare ayaa ugu dhawaq weyn halka kuwa hoose ugu dhawaqa khafiifsan yihiin. Hadaba marka kabanka la garaacayo Waxaa la isticmaala labada gacmood, mid waxaa lagu garaacaa xadhkaha halka gacanta kale oo lagu qabto qoorta kabanka lagu adkeeyo ama xoojiyo shanqadha ay faraha hore sameeynayaan.

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Tixraac

  1. Kasha, Dr. Michael (August 1968). "A New Look at The History of the Classic Guitar".Guitar Review 30,3-12
  2. Dr. Michael Kasha, "A New Look at The History of the Classic Guitar", Guitar Review 30, August 1968, pp.3-12.
  3. Findlay, Sharon."Nuqul Archive". Faze (magazine. Waxaa laga kaydiyaythe original Bisha Labaad 24, 2015. Soo qaatayFebruary 23, 2015. Barameter aan la aqoon|ciwaan= ignored (caawin);Hubi qiimaynta taariikhda:|archive-date= (caawin)
  4. "What are is the difference between Arabic and Turkish ouds?". Waxaa laga kaydiyaythe original 2015-09-23. Soo qaatay2015-10-07. Barameter aan la aqoon|ciwaan= ignored (caawin)
  5. Types of oud
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Kaban&oldid=243280"
Qeybaha:
Qeybta qarsan:

[8]ページ先頭

©2009-2025 Movatter.jp