Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Ayrland

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyayIreland)

Coordinates:53°20′39″N6°16′3″W / 53.34417°N 6.26750°W /53.34417; -6.26750

Jamhuuriyadda Ireland
Republic of Ireland
Calanka IrelandAstaannta Qaranka ee Ireland
CalanAstaannta Qaranka
Astaanta Calanka
Calanka Irland
Location of Ireland
Location of Ireland
CaasimadaDublin
Luuqada(ha) Looga hadloIngiriis,Irish
 - MadaxweyneMichael D. Higgins
 - madaxwayne kuxigeenMicheál Martin TD
Ka xoroobeyGumeystihiiingiriiska 
 - Taariikhda24April,1916 
Area
 - Total70,273 km2 (119th) km² 
68000 sq mi 
 - Biyo (%)1.6
Cadadka Dadka
 - (2008) (2012) qiyaas4,581,2693 4,722,028 
LacagtaEuro
WakhtigaUTC+1 

Jamhuuriyada Ireland afka Iriska weaxa loogu dhawaqaa (Éire) Waaqaybta uguwayn jasiirada Irland waxa ay kutaalaa koonfurta bari eeBadweynta Atlaantik ingiriiska iyo Irland waxa udhexeeya marin yar oo bad ah.

Taariikh

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Wadanka Irland waxa uu soomaray taariikho gaar ah waxyaabaha ay taariikhda Irland kaga duwantahay taariikhha kale waxa kamida marka koobaad Irland waxa ay kutaalaa goob ahamid juquraafi leh talabaad waa xidhiidhka ay la leedahay wadanka Ingiriiska oo dhawr jeer isku dayay in uu qabsadoo wadanka Irland. tasadexaad dagaalada lagu hoobtay ee Irland ay soomartay.ta afarad waa dhibaatooyinka dhanka diinta ee soogaadhay shacabka kunool wadanka irland kaas oo kaga imanyay dhanka kaniisadaha waxa intaa u dheer dhibaatooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo in badan oo shacabka Irland ah ku kaliftay in ay dabada u haajiraan,markii u horaysay ee Irland laga haajiraa waxa ay ahyd 6000 kahor dhalashaddii nabiCiise markaas oo ay wadanka soo galeen dad kayimi xaga [[Skotland] kuwaas oo qabsaday Irland.hijradii labaad ee wadanka Irland laga guuraa waxa ay dhacday sandkii 2000 kahor dhalashaddii nabiCiise C.S, diinta kiristanku waxa ay wadanka Irland gaadhay qarnigii lixaad ee taariikhda miilaadiga, kadib markii ay wadanka gacanta kudhigiin dadkii looyaqaanayNoormaankaNormans kadib waxa wadanka qabsaday ingiriiska sanadkii 1172 xiligaas waxaa ingiriiska boqor ka ahaaHenry II sanadkii 1801 Irland waxa ay kamid noqotayMidowga boqortooyada Britan sanadkii 1916 qolyaha xagjirkaa ee Irland ayaa waxa ay bilaabeen dagaal kacaana oo ay kagasoo horjeedaan gumaystihii ingiriiska laakiin kacdoonkaasi wuu fashilmay oo dadkii ka qaybqaatay badidoodii waa latoogtay. sanadkii 1921 ingiriisku jasiirada Irland waxa uu u qaybiyay laba qaybood.sanadkii 1922 waxa madax banaani qaatay wadanka looyaqaano hada Jamhuuriyada Irland, halka qaybta waqooyi ee jasiiradu ay kasii midtahay ilaa iminkaMidowga boqortooyada Britan taas oo keentay dagaal sokeeye oo ilaa iminka aan laxalin.

Deegaanka

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Badhtamaha dlka Ireland, waa dhul banaan oo hooseeya waana dhul beereed, waana dhul kaymo ah waxa kuyaalo harooyin aad iyo aad u badan, wabiga ugu dheer wadanka waxa lagu magacaabaa.Wabiga Shannon harada wadanka ugu wayn waxa lagu magacaabaa(Lough Neagh

Cimilada

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Cimalda Jamhuuriyada Ireland xiligaJiilaalka aad ayay u qabawdahay.heerka qabawgu waxa uu gaadhaa darajada fadhiisiga biyaha iyo wixii dareera.laakiin xiligaXagaaga cimilada Ireland waa meel dhaxaad maalinkastana waxa daRoob

Magaalooyinka ugu waawayn

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

MagaaladaDublin waa caasimada Ireland waana magaalda ugu wayn waxaa kunool dad gaadhaya 499,156 kun oo qof, magaalada labaad ee ugu wayn wadanka waxa weeye magaaldaCorcaigh magaalda sadexaad waaGaillimh

Dhaqaalaha

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Beeraha

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Suuqa Ierland waa mid yar marka loo eego suuqyadaYurub ee kale laakiin waa suuq dagan oo waxkal iibsi uu kasocdo


Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Ayrland&oldid=222515"
Qeybta:
Qeybaha qarsan:

[8]ページ先頭

©2009-2025 Movatter.jp