Haiti Dalka jamhuuryada Haiti (Republic of Haiti). Dalka Haiti waxa uu kamid yahahay wadamada Caribbean-ka. Dalka Haiti waxa uu dhinaca bari xuduud kala wadaagaa dalkajamhuuriyada Dominican, sadexda jiho ee kalena waxa kaga teedsan bado. Dalka Haiti waxa uu ka kooban yahay dhulwayn oo ku dhagan jamhuuriyada Dominican iyo jasiirado baaxadoodo yartahay oo ku teedsan. Caasimada Dalka jamhuuryada Haiti waxa layidhaa Port-au-Prince waxana ay ku talaa bartamaha dalka. Dadka ku dhaqan magaalad caasimada ah ee Dalka jamhuuryada Haiti waxa lagu qiyaasaa (785,228) ruux, waana tirakoobkii laqaaday sanadkii 2010-kii.
Bedka uu ku fadhiyo Dalka jamhuuryada Haiti waxa lagu qiyaasaa 10,714.33, (mayl laba jibaaran) oo una dhiganta 27,750.00 (kiiloo mitir laba jibaaran). Baaxda Dalka jamhuuryada Haiti waxa ay ku dhowdahay bedka uu ku fadhiyo gobolka (Maryland) ee dalka Maraykanka.
Dadka ku dhaqan Dalka jamhuuryada Haiti waxa ay tiradoodu kor u dhaaftaa 9.6milyan oo ruux.Note: Dalka jamhuuryada Haiti waxa ka jira dhiaabtooyin hortaagan korodhka dad ee deg dega ah, waxana kamid ah dhibaatooyinka ka jira dalka saamaynta cudurka AIDS-ka, oo sababay in hoos u dhac ku yimaado korodhka dadka, iyo caruurta da’doodu ka hoosayso 5-ta sano oo la kulma dhimasho badan (higher infant mortality and death rates), taas oo iyaduna ka qayb qaadata hoos u dhaca korodhka dadka. Dhibaataayinkaa ka jira Dalka jamhuuryada Haiti waxa ay keeneen in saadaasha dadka reer Haiti ee sanadka 2050-ka, la saadaaliyo in ay noqon doonaan 11.8milyan oo ruux, tiradan oo ka badan tii 2010-kii ee dadka reer Haiti 2milyan iyo oo qudha.[8]
diimaha ay kala haystaan dadka reer Haiti waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan madaahiibta Roman Catholic oo ay haystaan boqolkiiba 80%, halka Protestant-ka ay ka haysta boqolkiiba 16% iyaga oo usii kala baxa (Baptist 10%, Pentecostal 4%, Adventist 1%, other 1%), dadka bilaadiinta ah ee reer Haiti waa boqolkiiba 1%, dadka haysta diimaha kasoo hadhay kuwa aan soo xusnay waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 3%.Note: kala badh dadka ku dhaqan Dalka jamhuuryada Haiti waxa ay ku dhaqmaan diinta Voodoo.Cimriga: Ragga u dhashay Dalka jamhuuryada Haiti waxa ay da’doodu gaadhaa 47-sano, halka dumarka reer Haiti ay da’doodu ka gaadho 51-sano.Dawlada: Qaabka ay u shaqayso Dawladda dalka Haiti waa nidaamka dawada la doorto (Government Type elected government).
Lacagta laga isticmaalo dalka Haiti waxa layidhaa gourde (G). warshadaha: warshadaha dalka waxa lagu farsaameeyaa: sonkorta, dunta, daqiiqda iyo sibidhka.Dalxiiska: dalka Haiti waxa uu kamid yahay wadamada dhaca badhtamaha qaaradaha America gaar ahaa gobolka Carribian-ka ee ay ka jiraan goobaha loo dalxiiska tagaa.
Maqaalkanwaa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawiWikipedia in aadWax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.