Google LLC (Carabi: أو قوقل, أو جوجل ama ,أغوغل) loogu dhawaaqo"Guugal" ama"Quuqal" ama "Juujal": waa shirkadAmeerikaan ah, bilyandheer ah oo sameeysa, soo saarta, iibisa aaladaha ku xidhiidhainternetka. Sidoo kale shirkadani waxay ka ganacsataa xayaysiiska, iidhehda, kireeynta websiteyada, softwareyada, raadinta akhbaarta iyo waxyaabo kale oo badan.[8] Google waxaa la sameeyay dhamaadkii sanadkii 1998kii, waxaa sameeyay laba nin oo lakala yiraahdo Larry Page iyo Sergey Brin oo ahaa laba arday ooYahuud ahaa oo wax ka baran jiray JaamacaddaStanford ee kutaala dalkaMaraykanka.[9][10]
Labadan nin wadajir ahaan waxay leeyihiin 14% dhaqaalaha shirkada, laakiin waxay maamulaan 56%, taasi oo awood buuxda u siinaysa jiheynta iyo gacan ku heynta shirkada.[11][12] Shirkadani google waxay maamushaa 64% raadinta onlineka (online search) ee internetka caalamka, taasi oo ka dhigeysa mida koowaad ee ugu awooda badan waxbaaritaanka internetka ee aduunka. Adeegyada shirkada google waxaa ka mid ah aaladaRaadinta Google (google search), warqaadahaGmail, aalad wax lagu keydsho eeGoogle Drive, adeegyada xafiiska ee loo yaqaan Google Docs, barta bulshada eeGoogle+,sawiraan, fariimo, softwarekaAndroid, aalada Chrome-ka, OS (operating system), turjumaad, iyo adeegyo badan oo kala duwan oo dhamaantood la xidhiidha internetka.[13] Shirkada google waxay sidoo kale leedahay websiteka sawir-socdaha eeyoutubeka iyo barta wax-qoraalka ee blogger-ka loo yaqaano. Intaasi waxaa dheer in google ay ku soo baxdo in ka badan 150 luuqadood kuwaasi oo uu ka mid yahay luuqadaAf Soomaaliga.BishanAgoosto 2015ka, shirkada google waxay ku dhawaaqdey ineey sameeysay shirkad waalid u noqoneysa dhamaan shirkadaha iyo wakaaladaha ku abtirsada google, midaasi oo loogu magac daray Alphabet Inc.[14][15]
Barta Raadinta Google LLc (google search) waa aalad cilmiyeeysan oo loo isticmaalo wax raadinta bartainternetka midaasi ooy leedahayShirkada Google ee xarunteedu tahay gobolka Kalifoorniya ee wadankaMaraykanka.]],[17] handling more than three billion searches each day.[18][19] Barta Raadinta Google, ciwaankeedu yahaygoogle.com, waa mishiinka waxraadinta ugu horeeya dhamaan aaladaha internetka eedunida, taasi oo lagu qiyaaso in google leedahay 64% dhamaan wax baadhitaanka caalamka. In ku dhow sadex bilyan oo raadin ayaa barta google qaabishaa maalin kasta.Boga wax raadinta ee google wuxuu ku salaysan yahay nidaam loo yaqaano "PageRank" taasi oo u suurtogelisa in ay si fudud iskugu keento hal bog akhbaar aad u badan oo ku keydsan meelo kala duwan oo kala fog iyo wakhtiyo kala duwan.
Maqaalkanwaa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawiWikipedia in aadWax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.