Waxaa jira macnayaal kale ee la xiriira goobada oo loo baahan yahay inaan fahamno.
Barta-xudduntaWaa barta ku dhacda bartamaha goobada.
GacanWaa xarriiq ka bilaabma barta- xuddunta kuna dhamaata bar ka mid ah wareega goobada.
Waxaana loo soo gaabiyaa r isla markaana waxa uu la eg yahay dhexroorka barkiis.
KoordaWaa xarriiq u dhexeysa laba barood oo wareegga goobada ku taala.
Muhiim ama qasab ma aha in xarriiqdaasi ay marto barta-xuddunta.
Tani waxa ay ku tusaysaa xarriiqmaha ka dhexsamaysa Goobada
DhexroorWaa xarriiq u dhexeysa laba barood ee goobada martana barta-xuddunta.
Waxaana loo soo gaabiyaa d.
QaansoWaa xarriiq is wadata oo dul saaran qeyb ka mid ah goobada.
Gabal goobeedWaxay soo koobtaa inta u dhexeeysa xarriiqa qaansada ee goobada iyo koordaha. Waxaa kaloo la dhihi karaa labada cirif ay ku dhamaadaan xarriiqda qaansada.
Qurub goobeed Waa inta u dhexeysa xarriiqda qaansada iyo laba xarriiq ee gacanka kuwaasoo ku xirmaaya labada cirif ee xarriiqa goobada.