Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Geed

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan Geedaha. Kuwo ka duwan fiiriDhir iyoBeer.
Geedaha ugu dhaadheer caalamka.

Geed (ingiriis: Tree) waa qori ama alwaax (loox) dheer oo ka dul baxacaradaoogada sare ee dhulka. Geedku waanoole ka mid ahdhirta kaasoosanado badan jiri kara. Geedaha qaar waxay kor u baxaan in ka badan100 mitir oodherer ah, waxayna gaadhaan dhowrkun oo sano. Geedaha ugu dhaadheer dunida waxay leeyihiiin dherer dhan 130 mitir.

Geedku wuxuu ka kooban yahayjirid,laamo,caleemo,xidido iyoubax kuwaas oo ah qaabdhismeedkajidhka dhirta.

Geedka sidiisaba wuxuu ka soo bilaawdaa miro, kadib wuxuu yeeshaa xidido oo dhulka hoostiisa biyo ka sii raadiyo, dhinaca kale waxaa ka baxo jirid oo banaanka u soo baxdo si eeqoraxda u hesho. Ka dib wuxuu yeeshtaa caleemo.

Jidhka Geedka

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Geedlaamo iyocaleen badan.

Jidhka geeduha, guud ahaan, waxaa loo kala saaraalabo qaybood, kuwaas oo kala ahqaybta dhulka ka sareeysa iyoqaybta dhulka ka saraysa.

Dhulka hoostiisa qaybta ku jirta waxaa loo yaqaanaaxidido kuwaas oo soo nuugabiyaha iyomacdanta geedku u baahan yahay. Sidoo kale, xididadu waxay baroosin u yihiin geedka oo ayaga ayaadhulka ku xajiya.

Dhinaca kale, dhulka korkiisa qaybta ku taalaa waxaa ugu muhiimsanjiridda oo lafdhabar u ah istaagida iyojooga geedka. Jirida waxaa ku yaalalaamo badan oo faraaqyo leh kuwaas oo iyaguna xajinayacaleemo badan,ubaxyo iyomidho.

Xubin walba oo jidhka geedka ahi shaqo gaar ah ayay haysaa. Jiridu waxay kor iyo hoos u safrisaa biyaha iyo macdanta xididuhu keenaan; laamaha iyo caleentacuntada ay sameeyaan ayay gaadhsiiyaan xubnaha kale ee geedka. Sidoo kale, difaac iyo baroowsin ayay u tahay geedka taas oo ku xajinaysa dhulka korkiisa.

Caleenta iyo laamaha geedka oo midabkoodu yahay cagaar, ayaacuntada u sameeya geedka. Xubnahan oo kajoog sareeya dhulka ayaa waxay qabtaan awooda falaadhahaileyska ka dib u bedelaanawood kimiko ayagoo isticmaalaya hab loo yaqaanHabka Samayska Cuntadaphotosynthesis, cuntadaas oo loo kala diro qeybaha geedka.

Qaybaha Geedka

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Geedku wuxuu ka samaysan yahay qaybo badan oo qabta howlo kala duwan. Guud ahaan, geedaha waxa loo qaybiyaalabo qeybood oo kala ah qaybta dhulka ka sareysa{xiddo} iyo qaybta dhulka ka hooseysa{xidid}.

Intaas uun kuma koobna ee waxaa loo kala saaraa qaybaha geedkashan qeybood; oo kala ahUbax iyo midho,caleemo,laamo,jirid iyoxidido.Ubaxa markuu bislaado wuxuu isku bedelaamidho sidaas darteed labadoodu waa isku hal.

Xidido

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Xididadu waa baroosinkageedka ku haya dhulka.

Xididka dhirtu waa faro dhaadheer oo ka baxajiridageedaha hoosteeda, kuwaas oo ku haya geedka dhulka dushiisa.Xididada intooda u badan waxay ku jiraan dhulka hoostiisa, waxaanay soo ururiyaanbiyaha,macdanta iyo nafaqada ku dhex jirtacarada dhexdeeda.

Xididadu waxay keeydiyaancuntada, nafaqada iyo waxyaabaha kale ee geedku u baahan yahay, isla markaana waa difaaca tafiirankadhirta. Xididka ugu horeeya ee geedku sameeysto markuu dhasho, waxaa loo yaqaanaaXidid dhexaad kaas oo si toosan u gala dhulka, isla markaana saldhig u ah dhamaan qeybaha xididada.

Guud ahaan, xididadu waxay leeyihiintimo yar-yar oo ka dul baxa kuwaas ooafka hore ka furan soona nuuga biyaha, macdanta iyo nafaqada. Sidoo kale, xididadu waxay u baahan yihiinOgsajiin ayneefsadaa.

Xididada qaar carada kor ayay uga soo baxaan.

Jirid

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Jiridu waa tiirkageedka ku hayadhulka.

Jiridu waa tiirkageedka ku hayadhulka isla markaanacaleemaha kor qaada si eeyileyskaqoraxda u helaan. Sidoo kale, Jiridu waxay u qaabilsan tahay ineey kala safrisobiyaha iyo nafaqadaxididadu ka soo nuugaancarada; isla markaana gaadhsiisocuntada qaybaha kala duwan eegeedka.

Jirida waxaa ku dhex jira tuubooyin kala gudbiya cuntada, biyaha iyo macdanta geedku u baahan yahay. Tuubooyinkan waxaa ku dahaadhan qolof adag oo ka samaysanunugyo dhintey, kuwaas oo ka difaaca xanuunada,kulka, qabowga,xasharaadka iyo waxyeelada kale.

Geedaha qaar malaha jirid adag oo kor u taagan, laakiin waxay leeyihiin maqaar ku dahaaranjidhka tuubooyinka biyaha, cuntada iyo macdanta u kala gudbiya qeybaha geedahaas.

Gobol ka mid ah jirida oo muujineysa koritaanka goobooyinka 27 sano koritaankeeda.

Maqaarka sare ee adag, waxaa ku xiga xadhko yaryar oo loo yaqaanoMaydhax (phloem), kuwaas oo ayaguna kacuntada,biyaha iyo nafaqada kale gaadhsiiyaunugyada jirida.

Caleemo

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Caleemuhu waa xubinta u qaabisan ineeycuntada u sameeysogeedka ayagoo isticmaalayaHabka Samayska Cuntada.

Caleemuhu waa xubin midab cagaaran leh oo ku taalalaamahageedaha.Caleentu waa xubin yar oo balaadhan, khafiif ah, kuna taala qeeybaha sare eelaamaha geedka, taas oo shaqadeedu tahay ineey sameeysocuntadadhirtu u baahan tahay si eey u korto iyo noolaato.

Inta u badan dhirta,Habka Samayska Cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaacaleemaha iyolaamaha geedka, halkaas oobiyaha, awoodaileyska iyo [[kaarboon|kaarboon-labo-ogsaydh]ku kufalgalaan.Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxaOgsajiin caleemuhucirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.

Laamo

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Tiro badan oo laamahageedka oo kala dherer duwan.
Laamahadhirta waxaa ku dhegancaleemo aad u badan.

Laamuhu waa faro dhaadheer oo ka baxajiridageedaha, kuwaas oo dusha ay kaga xidhan yihiincaleemahadhirta. Laamuhu waxay isku xidhaan caleemaha,ubaxa iyo inta kale ee geedka ayagoo kala gudbinaayacuntada caleemuhu sameeyaan iyobiyaha iyomacdanta ka timaadaxididada geedka.

Laamuhu waxay ka baxaan dhinacyada jirida ayagoo u jeeda dhinac ka duwan jihada jirida. Sidoo kale, dhererka iyo miisaanka laamuhu way kala duwan yihiin. Qaar ayaa aad u yar oo leh dhowr caleemood, halka kuwo kale aad u dhaadheer yihiin isla markaana sii bixiyaan laamo kale oo ayaga ku xidhan.

Inkastoo caleentu u badan tahay, laamaha naftoodu way ka qayb qaataanHabka Samayska Cuntada ee dhirta.

Laamaha geedaha qaarkood ayaa aad u dheer oo laamo kale ku sii xidhan yihiin.
Saxifraga umbrosa (Yehovah-ubaxa, Dhibcaha guduudan ee ubaxyada cadcad waxay u eg yihiin magacaYehowah Ilaaha ah eeCibraaniga ah)

Ubax

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Midho

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Noocyo badan oo Midhaha ka mid ah isla markaana kala duwan.

Midho sidoo kale loo yaqaanoMiro waa maxsuulka tarankageedka. Midhuhu waxay ka samaysmaan marka bacarimintaubaxu dhaco, waxaana badhtanka ku jira lafta tafiirankadhirta.

Midhuhu waacunto la cuni karo. Miraha badankooda waxay dhexdakuleeyihiin hilib macaan oo lacuni karo.

Midhuhu weey kala duwan yihiin, qaarkood waasun aanuxayawaanku cuni karin, qaar kale aad ayay u macaan yihiin oo bini aadanka iyo noolaha kale ayaa quuta.

Habka Samayska Cuntada

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Geedku wuxuu u baahan yahayileys,biyo iyohawo si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalayaHabka Samayska Cuntada.

Dhirtu waa noolaha kali ah eecuntadiisa diyaarsada ayagoo isticmaalaya nidaam loo yaqaanoHabka Samayska Cuntada (photosynthesis). Geedku wuxuu u baahan yahayileys - inta badan ileyska dabiiciga ah eeqoraxda,biyo ayxididadu ka soo nuugaan dhulka iyohawo - gaar ahaankaarboon-labo-ogsaydh (C2O) si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada.

Inta u badan dhirta, habka samayska cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaacaleemaha iyolaamaha geedka, halkaas oobiyaha, awoodaileyska iyokaarboon-labo-ogsaydhku kufalgalaan.Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxaOgsajiin caleemuhucirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.

Habka Samaynta Cuntada ee geedka. Dhirtu waa isha koowaad eeOgsajiinta ku dartadhulka.

QaacidadaHabka Samayska Cuntada ee dhirtu waa sidan:

2n CO2 + 2n DH2 + Ileyska Qoraxda →2(CH2O)n + 2n DO

Kaarboon-labo-ogsaydh + deeq elektaron + awooda iftiinka →Kaarbohaydarate + deeq elektaron ogsajiin

Habkan cunto samayska dhirtu wuxuu dhacaawakhtigamaalintii sababtoo ahiftiinka falaadhahaqoraxda waa lagama maarmaan. Sidoo kale, habkani waxaa lagu sameeyn karaa nidaam loo yaqaanogreenhouse oo iftiin fiican siin kara geedka. Habka samayska cuntada dhirta waa deeqaha koowaad eeOgsajiinta ku darahawoda. Markasta oo geedku cunto sameeysto ogsajiin ayuu sii daayaa, taasi oodadka iyoxayawaanka kaleneefsadaan.

Habka Bacariminta Geedka

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Inkastoo qaabka iyo dhismahadhirtu kala duwan tahay, gebi ahaan geeduhu waxay u tarmaan qaab isku mid ah. In badan oo dhirta ka mid ahdabeeysha ayaa ka qeyb qaadata habkabacariminta, halka qaar kale soo jiitaanxasharaadka yaryar ka dibnalugaha ku qaadaan geed ilaa geed kale.

Geedo badan waxay leeyihiinubaxlab iyodhedig ah oo ku kala yaalalaamaha kala duwan ee geed isku mid ah, isla markaana ayaga ayaa isbacarimiya. Halka geedaha qaar leeyihiin ubax lab ah ama mid dhedig ah isla markaana isdhaafsadaan.

Ubaxa lab wuxuu ku yaalaa laamaha sare ee geedaha, halka kan dhedig ku sameeysan yahay laamo hooseeya. Taasi waxay suurto gelisaa in firida-tafiirtu (pollen) si fudud u gaadho ubaxa dhedig ayagoo hawada dhex maraya.

Sida caadiga ah, ubaxa dhirtu waxay sameeyaan tiro badan oo firida-tafiirta ah (pollen), sababtoo ah lama hubo midka ku hagaagaya ubaxa dhedig. Dhirta dabayshu bacarimiso ma lahan ubax qurux badan iyo macmacaanka soo jiita xasharaadka.

Si ka duwan taas, ayaa dhirta cayayaanku u kala qaado firida-tafiirta (pollen) waxay leeyihiin ubax waawayn oo midab qurux badan leh, isla markaasna badhtanka ayay ku leeyihiindareere macaan; kuwaas oo soo jiita xasharaadka.

Firida-tafiirtu waa mid qoyaan leh oo ku dhegta lugaha xasharaadka iyo meel kasta ooy gaadhaan.

Sidoo kale, qaar kale waxay leeyihiin baadad u suurto gelisa ineey hawada dhex sabeeyaan, taas oo qaarkood safraan masaafo dhan ilaa 800km.

Noocyada Dhirta

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Geedaha aan caleenta lahayn.

Beer

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Dhuldaaqsiimeed

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Keymo

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Keymaha alwaaxa ee dhaadheer.

Keymuhu waadhul baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyocows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah. Tiro badan oodhir nooceeda,dhererkeeda iyo qaradeedu kala duwan tahay ayaa noqonaysa Keyn.

Oogada sare ee dhulka waxaa ku yaala keymo aad u badan kuwaas oo ku fadhiya 9.4% dhulka dunida. Si kale hadaan u dhigno keymuhu waxay qariyaan 30%dhulka qalalan ee dunida.

Intaas uun kuma koobna ee waxaa jira keymobiyaha ku dhex yaala. Waxaa ka mid ah keynta kelp.

Keymaha Kelp ee biyaha ka dhex baxa.[1]

Keymahadunida ugu weyn waxaa ka mid ahKeynta Tayga ee ku fidsanlabo qaaradood, taas oo ka soo bilaabantaKanada kuna fidsan dhamaan wadankaRuushka, iyoRainforest oo ku taala wadanka Brasil eeKoonfur Ameerika.

Isticmaalka Dhirta

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Jirida geedaha waawayn waxaa laga sameeyaa alaabo badan oo dadku isticmaalaan.

Sidacilmiga jiyoolojigu sheegay,Dhirta dabiiciga ah waxayoogada dhulka ku beeran tahay in ka badan370 milyan oo sano.

Barashada cilmiga tirada, koritaanka, caafimaadka, isticmaalka iyo baaxadakeymaha dhirta caalamka waxaa loo yaqaanaaSilvicultur. Dhirta dadku beeraan si looga sameeyocunto,dhar, agabka dhismaha, qurux ahaan iyo waxyaabo kale waxaa loo yaqaanaaBeer (plantation). Beeraha lagu beerokhudaarta iyomidhaha waxaa lagu magacaabaa Beer-midho (orchard).

Dhul baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyocows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah, waxaa loo yaqanaanaaKeyn (forest). Sidoo kale, deegaanada fidsan eebuuruhu ku yar yihiin isla markaana lehcows badan iyo geedo talanteel ah waxaa lagu magacaabaaDhuldaaqsiin (savanna).

Guud ahaan, dhir badan ayaa ku taala oogada dhulka. Meelaha qaar aad ayay ugu badan tahay oo keymo waawayn ayaa ku yaala - keymaha ugu weyn dunida waxaa ka mid ahRainforest oo ku taala wadanka Brasil eeKoonfur Ameerika iyoTayga (Taiga) oo ku fidsanlabo qaaradood oo kala ahWaqooyiga Ameerika iyoRuushka. Dhamaan noocyada geedku faa'iido badan ayuu u leeyahaynoolaha iyodeegaanka dhulka.

Nolosha dadku si toosan ayay ugu xidhan tahaydhirta, mar ahaan waa isha koowaad ee quudka (cunto),daawooyinka, agabka guryaha, dharka iyo sheeyo badan oo aadamuhu isticmaalo. Marka labaad, ayadoo isticmaalaysaHabka Samayska Cuntada dhirtu si joogto ah ayayhawada ugu dartaaneeftaOgsajiinta, midaas oo noole badanneefsado.

Waxa intaas dheer in dhirtu difaac u tahaycarada ayadoo ka ilaalisa nabaad-guurka.

Cuntada

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
GeedkaSonkorta.

Geeduhu waa isha ugu horeeysa ee soo saarta noocyo badan oocuntada dadku quutaan maalin kasta.Khudaarta sidabasasha,tamaandhada,besbaaska,toonta,saladhka,barandhada iyo kuwo kale oo badan; iyomidhaha sidamuuska,liinta,tufaaxa,cambaha,saytuunka,timirta iyo in badan oo kale waxay ka mid yihiin dhirta loo beero ganacsi ahaan ee caalamka oo dhan laga cuno.

Intaas waxaa dheer, dhirta waxaa laga sameeyaa sheeyo badan oo cuntada lagu darsado, waxa ka mid ahsonkorta, daqiiqda ama burka,saliida,shaaha,koofiga iyo in badan oo kale. Intaas waxaa dheer, noocyo badan oo geedaha ka mid ah waxayudug iyo caraf u sameeyaan cuntada, tusaale ahaan, heylka, qorfaha iyo carfiyayaasha kale.

Dhinaca kale, in badan oo dhirta ah waxay leeyihiinubax leh dheecaan macaan (nectar) kaas ooxasharaadka soo jiita.Shinidu waxay ururisaa dheecaankaas macaan ka dibna ka sameeysaamalabka oo ah wax dadku cunaan. Sidoo kale,caleenta iyolaamaha dhirta waxaa quutaxoolaha dadku dhaqdaan kuwaas oo cunto iyo cabitaanba siiya aadamaha.

Shidaal

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
xaabadu waashidaal laga helokul.

Qalabka Dhismaha

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Alwaaxa guryaha lagu dhiso.

Agab

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Dhirta qaar ka mid ah, sida geedkadunta (cotton tree) waxuu soo saara midhaha dunta, taas oo lawarshadeeyo ka dib laga sameeyo noocyo badan oodhar ah.

Qoryaha iyo alwaaxyada laga soo guro dhirta waxaa laga sameeyaa agab badan, kuwaas oo dadku isticmaalaan si nolosha u fududaato. Agabka laga sameeyo dhirta waxaa ka mid ah:miisaska,kuraasida, kabadhada,sariiraha, weelka wax lagu cuno iyo waxyaabo kale oo badan.

Faa'iidooyin Kale

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Abuuridda

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Geedka rabadhka laga sameeyo oo dareere rabadh ah laga guraayo.
Maqaalkanwaa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawiWikipedia in aadWax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.
  1. Trees That Live in Water
Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Geed&oldid=241526"
Qeybaha:

[8]ページ先頭

©2009-2025 Movatter.jp