Taariikh
Dadyowgii la oran jirey Olmekista iyo Mayaniska ayaa dhowr jaad oo galley ah beeran jirey iyagoo karsan jirey iyadoo baduugan (iyadoo budo laga dhigey) ama farsamaysan (nixtamalization). Laga billaabo markii ay ahayd 2500 BC, dalagga wuxuu ku faafay labada qaaradood ee Ameerika (Waqooyi iyo Koonfur), waxaana ka billaabmay ganacsi ku saabsan dhowrka jaad ee ay leedahay galleyda. Markii reer Yurub ay soo gaareen qaaradaha Ameerika dabayaaqadii qarniga 15aad iyo billowga qarniga 16aad, sahimyayaal iyo ganacsadayaal ayaa galleyda geeyay Yurub halkaasoo ay ka bareen dadkii Yurub ku noolaa. Galleyda waxayna dunida intiisa kale oo dhan ku faaftay maadaama ay leedahay awood ay ku bixi karto cimiladdo kala duwan. Jaadad galleyda kamid ah ookaarbohaydareytyada hodan ku ah waxaa la dhahaa galleyda macaan waxaana loo beeraa si ey dadka u cunaan, jaadad kalena waxaa loo beeraa si ay quud u noqdaan xoolaha.
Galleyda waa dallagga loogu beerista badan yahay qaaradaha Ameerika, iyadoo 332 milyan oo tan sanadkiiba uuMareykanka ka baxo. Qiyaas ahaan 40% soosaarista beeraha ee dallagan - 130 milyan oo tan - waxaa loo adeegsadaa sameynta ethanol. Galleyda la hidde-baddallay (genetically modified) waxay ka koobnayd 85% galleyda 2009kii laga beeray Mareykanka.