Dhir (Af Ingiriis:plant;Af Carabi:نبات) sidoo kale loo yaqaanoDhirta Cagaaran waanoole ka samaysanunugyo badan oo isku xidhan taasi oo dulsaaran oogada sare eedhulka. Dhirtu waa kalmada jamcisa dhamaangeedaha noocaydooda kala duwan ee laga helocarada dusheeda,biyaha dhexdooda,buuraha iyo meelo badan oo kala duwan.
Waxa jira noocyo badan oo dhirta ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Guud ahaan dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxa kale oo ay ka kooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee. Qeybaha rasmiga ah ee dhirtu waa dhirta ubaxa leh (flowering plant), caleen-yare (carnifers), feerno, Lycopodiopsida, jirid-yare, algiya, caleenley iyo shurub.Dhirtu waxay ka mid tahayNooleha.
Sidoo kale, dhirtu waxay leedahay unugyo-dahaadhan (cellwalls) kuwaasi oo u suurta geliya ineey sameeysatocunto ayadoo isticmaaleysaileyskaqoraxda,biyo iyokaarboon-labo-ogsajiin. Dhirtu waxay manaafacaad iyo faa'iido badan u leedahaydunidan aan ku noolnahay; waxay suurto-gelisaa in hawada ka soo saart kaarboonka isla markaana ku sii deeysohawadaOgsajiin oo ah mida teegeerta noloshaxayawaanka iyodadka. Intaas waxaa dheer in dhirtu soo saartomidho,caleemo,jirid iyoxidido kal duwan taasi oo ay quud iyo cunto ka dhigtaan dhamaan noolaha intiisa kale ee xayawaanka iyo dadku ka midka yihiin.
Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo dhir ah; kuwaasi waxaa ka mid ah:beeraha,keymaha, iyo dhuldaaqsiimeedka.Maadaama juqraafiga dhulku kala duwan yahay, meelaha dhirtu ka baxdo aduunyada weey kala duwan tahay. Meelaha qaar waxaa ka baxa kumanaan nooc oo dhir ah, halka deegaanada qaar (sidasaxareha amalamadegaanka) ay ku yar tahay dhirtu. Maadaama noloshu ku tiirsan tahay dhirta waxaa waajib ah in la ilaaliyo jiritaanka, koritaanka iyo caafimaadka dhirta.
Dhirtu waa noolaha kali ah eecuntadiisa diyaarsada ayagoo isticmaalaya nidaam loo yaqaanoHabka Samayska Cuntada (photosynthesis).
Geeduhu waxay u baahan yihiinileys (inta badan ileyska dabiiciga ah eeqoraxda),biyo ayxididadu ka soo nuugaan dhulka iyohawo - gaar ahaankaarboon-labo-ogsaydh (C2O) si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada.
Inta u badan dhirta, habka samayska cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaacaleemaha iyolaamaha dhirta, halkaas oobiyaha, awoodaileyska iyo [[kaarboon|kaarboon-labo-ogsaydh]ku kufalgalaan.Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxaOgsajiinhawo ah oo caleemuhucirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.
Habka Samaynta Cuntada ee geedka. Dhirtu waa isha koowaad eeOgsajiinta ku dartadhulka.
Habkan cunto samayska dhirtu wuxuu dhacaawakhtigamaalintii sababtoo ahiftiinka falaadhahaqoraxda waa lagama maarmaan. Sidoo kale, habkani waxaa lagu sameeyn karaa nidaam loo yaqaanogreenhouse oo iftiin fiican siin kara geedka. Habka samayska cuntada dhirta waa deeqaha koowaad eeOgsajiinta ku darahawoda. Markasta oo geedku cunto sameeysto Ogsajiin ayuu sii daayaa taasi oodadka iyoxayawaankuneefsadaan.
Beer
Geedaha aan caleenta lahayn.
Beer, ama Beero (wadar) waa nidaamka abuurida, korinta, xanaaneynta iyo soo saaridadhir laga sameeyocunto,dhar,daawo,hooy iyo guud ahaan manafaac taageera noloshadadka,xoolaha,xayawaanka iyo inta ku tiirsan. Beeruhu waa aasaaska nolosha iyo jiritaanka nolosha, iyo barta ay ka soo uunkantey horumarka xadaarada aadamaha.Waxa jira noocyo badan oo beero ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc.Dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxa kale oo ay kakooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee.
Dhul beereedka
Inkastoo dhirtu u qaybsanto mid la aadanuhu cuno iyo mid uu anfacsado iyo mid uusan waxba ku falin ayaa hadana waxaa jira dhul loogu talo galay beerashada, dhulkaas ayaa ka bedelan kan kale, waxaa ku badan macdanta iyo nafaqada dhiri ku bixi karto, dhuldaaqsimeedka waxaa lagu gartaa carrada madow ee dhoobeeyda ah, badanaa waxaa ka ag dhowbiyo mareenno sidawabiyada iyo togaga, ama waa meel godan oo biyo fariistaan xiliyadaroobka, dhirta lagu beerto ayaa leh xili la gurto.
Keymo
Keymuhu waadhul baaxad balaadhan leh oogeedo badan iyocows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah. Tiro badan oo dhir nooceeda,dhererkeeda iyo qaradeedu kala duwan tahay ayaa noqonaysa Keyn.
Oogada sare ee dhulka waxaa ku yaala keymo aad u badan kuwaas oo ku fadhiya 9.4% dhulka dunida. Si kale hadaan u dhigno keymuhu waxay qariyaan 30%dhulka qalalan ee dunida.
Intaas uun kuma koobna ee waxaa jira keymobiyaha ku dhex yaala. Waxaa ka mid ah keynta kelp.
Dhirta dadku beeraan si looga sameeyocunto,dhar, agabka dhismaha, qurux ahaan iyo waxyaabo kale waxaa loo yaqaanaaBeer (plantation).
Beeraha lagu beerokhudaarta iyomidhaha waxaa lagu magacaabaa Beer-midho (orchard).
Dhul baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyocows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah, waxaa loo yaqanaanaaKeyn (forest).
Sidoo kale, deegaanada fidsan eebuuruhu ku yar yihiin isla markaana lehcows badan iyo geedo talanteel ah waxaa lagu magacaabaaDhuldaaqsiin (savanna).
Guud ahaan, dhir badan ayaa ku taala oogada dhulka. Meelaha qaar aad ayay ugu badan tahay oo keymo waawayn ayaa ku yaala - keymaha ugu weyn dunida waxaa ka mid ahRainforest oo ku taala wadanka Brasil eeKoonfur Ameerika iyoTayga (Taiga) oo ku fidsanlabo qaaradood oo kala ahWaqooyiga Ameerika iyoRuushka. Dhamaan noocyada geedku faa'iido badan ayuu u leeyahaynoolaha iyodeegaanka dhulka.
Nolosha dadku si toosan ayay ugu xidhan tahaydhirta, mar ahaan waa isha koowaad ee quudka (cunto),daawooyinka, agabka guryaha, dharka iyo sheeyo badan oo aadamuhu isticmaalo. Marka labaad, ayadoo isticmaalaysaHabka Samayska Cuntada dhirtu si joogto ah ayayhawada ugu dartaaneeftaOgsajiinta, midaas oo noole badanneefsado.
Waxa intaas dheer in dhirtu difaac u tahaycarada ayadoo ka ilaalisa nabaad-guurka.
Intaas waxaa dheer, dhirta waxaa laga sameeyaa sheeyo badan oo cuntada lagu darsado, waxa ka mid ahsonkorta, daqiiqda ama burka,saliida,shaaha,koofiga iyo in badan oo kale. Intaas waxaa dheer, noocyo badan oo geedaha ka mid ah waxayudug iyo caraf u sameeyaan cuntada, tusaale ahaan, heylka, qorfaha iyo carfiyayaasha kale.
Dhinaca kale, in badan oo dhirta ah waxay leeyihiinubax leh dheecaan macaan (nectar) kaas ooxasharaadka soo jiita.Shinidu waxay ururisaa dheecaankaas macaan ka dibna ka sameeysaamalabka oo ah wax dadku cunaan. Sidoo kale,caleenta iyolaamaha dhirta waxaa quutaxoolaha dadku dhaqdaan kuwaas oo cunto iyo cabitaanba siiya aadamaha.
Boqortooyo (biyoloji) (magacaSaynisregnum, wadar ahaanregna) waa heerka labaad ee loo kala saaro noocyadanoolaha. Boqortooyadani waxaa loo sii kala jebiyaa kooxo yar-yar oo Saynis ahaan loo yaqaanoFyla (Phyla). In kastoo kala qeybinta kooxaha boqortooyada ee biyoloji lagu kala duwan yahay, wadankaMaraykanka iyoKanada waxay qeybahaasi ka dhigaan ilaa lix kooxood (Xayawaan,Dhir,Fungi,Brotista,Arjaeya,Bakteriya); halka wadanada ay ka mid yihiinIngiriiska,Hindiya,Australia,Latin Amerika, meelo badan ooAfrika ah iyo wadano kale waxay aqoonsadeen kaliya shan koox oo ka tirsan boqortooyada, kuwaasi oo kala ah: Xayawaanka, Dhirta, Fungiga, Brotistaha iyo Bakteriyada.[1]
Dhirta qaar ka mid ah, sida geedkadunta (cotton tree) waxuu soo saara midhaha dunta, taas oo lawarshadeeyo ka dib laga sameeyo noocyo badan oodhar ah.
Qoryaha iyo alwaaxyada laga soo guro dhirta waxaa laga sameeyaa agab badan, kuwaas oo dadku isticmaalaan si nolosha u fududaato. Agabka laga sameeyo dhirta waxaa ka mid ah:miisaska,kuraasida, kabadhada,sariiraha, weelka wax lagu cuno iyo waxyaabo kale oo badan.
Faa'iidooyin Kale
Abuuridda
Geedka rabadhka laga sameeyo oo dareere rabadh ah laga guraayo.