Dayax (ingiriis: Moon) waaaduunyo yar oo ku wareegtaMeere ama wax ka ween dayaxa.Ugu yaraan, meere kasta wuxuu leeyahay hal dayax ama in ka badan.
Cufis-jiidadka u dhexeeya dhulka iyo dayaxa ayaa keenamowjadaha badaha, taas mi la mid ah ayaa keentay isku-xidhnaanshaha labadooda.
Dayaxa oo ku socda xawaare dhan 1.022 kilomitir ilbiriqsigiiba, ayaa waxay ku qaadataa27 maalmood,7 saacadood iyo43 daqiiqo in uu hal mar ku wareego dhulka.
Dhinaca kale, isku wareega dayaxu (circumference) waa 10, 921 km;cufkiisuna waa 2.1958 × 1010 km3 halkamugiisu yahay 7.3477 × 1022 kg. Maadaama dayaxa cirkiisu aad u khafiif yahay falaadhaha qoraxduna toos u soo taabtaan oogada dayaxa ayaaheerkulkiisu aad u sareeyaa ugu yaraan waa 100 Kalfin ugu badnaana wuxuu gaadhaa 390 K.
Markii ugu horeeysay taariikhda bani-aadamka, sanadkii 1959kii ayaaDayax GacmeedRuushku leeyahay tagay dayaxa. Ka dib, 1968dii ayaa qofkii ugu horeeyay cagaha saaray dayaxa kaas oo ka socday DawladdaMaraykanka. Sanadkii 2004 wixii ka dambeeyay ayaa wadanadaJabaan,Hindiya,Shiinaha iyoYurub saldhigyo ka sameeysteen dayaxa.
Inkasto dayaxu lahayncir sare oo ka difaacakulkaqoraxda, cilmi baadhis la sameeyay waxay muujisay in dayaxu leeyahaybiyo laga heli karocidhifyada dayaxa iyo oogada sare dhexdeeda.
Neefaha Waawayn waxay leeyihiin tiro badan oo dayaxyo ah, kuwaas oo qaarkood le'eg yihiin xajmiga dayaxadhulka; qaar kalena kaba wayn yihiin meerayaasha, sida dayaxaRaage eeTitan wuu ka xajmi weyn yahay meerahaDusaa.[3] MeerahaCirjeex[4] waa kan lehtirada ugu badan daxayada eeBahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay67 dayax. Waxaa ku xiga meerahaRaage oo leh tirada labaad ee ugu badan dhamaan sideeda meere ee bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo ah62 dayax. Dhinaca kale, meerahaUraano wuxuu leeyahay tirada sadexaad ee ugu badan bahda qoraxdu midaysay kuwaas oo dhan27 dayax.[5] MeerahaDocay wuxuu leeyahay14 dayax.
Si kastaba ha ahaatee,duunyooyinka yar qaar ka mid ah waxay leeyihiin dayaxyo yaryar oo ku wareega ayaga. Dunida yar eeCeres[6] ma lahan wax dayax ah, laakiin dunida yar eeBluto[7] waxay5 dayax oo wareega. Sidoo kale, dunida yar eeHaumea waxay leedahay2 dayax, waxaa iyadnahal dayax leh dunida yar eeEris.
Waxaa la aaminsan yahay in dayaxyada qaar ay ka jirtonolol, sida dayaxaTitan eeCirjeex iyo bishaTriton ee meerahaDocay, laakiin lama hubo ineey jirto midaasi.[8]
MeerehaRaage[10] waa kan labaad ee leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay62 dayax. Tirada dayaxyada ee meerahan Raage aad ayay u badan tahay, dhamaantoodna aqoon fiican looma laha, laakiin kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:
↑Goldstein, Bernard R. (1997). "Saving the phenomena: the background to Ptolemy's planetary theory".Journal for the History of Astronomy.28 (1). Cambridge (UK):1–12.Bibcode:1997JHA....28....1G.
↑Cirjeex waa kan leh tirada ugu badan daxayada ee Bahda Qoraxdu Midaysay, wuxuuna leeyahay 67 dayax
Maqaalkan guud waa labilaabay. Wax ma ka taqaanDayax sida taariikhdeeda ama xidhiidhka ay la leedahay mawduucyo kale? Waxaa laga yaabaa inaad ku aragto macluumaadka Wikibidhiya Ingiriiska ama luqado kale oo ay tahay in la tarjumo? Markaa waxaad ku caawin kartaa Wikibidhiya lehwax ka bedel oo ku dar xog.