Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Cirjeex

Ka Wikipedia
Meeraha Cirjeex
Sifooyin gaara
Wareegdhow1,514.50 milyan km (10.1238 AU)
Wareegfog1,352.55 milyan km (9.0412 AU)
Iskuwareeg Yar0.0565
Iskucelceliska Xawaaraha Wareega9.68 km/m (6.01 ma/m)
Iskucelceliska Wareega317.020
Janjeedhka2.485° Dhanka qoraxda
Bedka oogada4.27×1010 km2 (1.65×1010 sq mi)
Mudo wareeg378.09 malmood

♃

Cirjeex (Jupiter) ama loo yaqaano magacyada kala ah (Cirjiir) ama (Mushtari) waameeraha 5aad ee ugu dhowqoraxda[1] ayadoo u jirta masaafo dherer dhan5.2 AU, iyo 318 jeer mugadhulka. Sidoo kale, Cirjeex waa kan ugu weyn meerayaashaBahda Qoraxdu Midaysay.[2] Waa meereneef (gas) ah, oo jawigiisuna ka samaysan yahayisku dhisyoHaydarojiin iyoHiliyaam, oo tartiib u noqda haydarojiin dareerto ah.

Waxaa suurto gal ah in meeruhu lee yahay bu’ is haysata oodhagax iyobaraf ah.[3] Jurmiweynidu oo qabo awgeed,Cirjeex wuxuu lee yahaycufisjiidad aad u weyn, wuxuuna soo jiidaa dibdheerooyin (kometer) iyo dhadhaabyo (asteroider) oo isaga ku dul dhaca, haddi kalena dhulka ayey kusoo dhici lahaayeen.

Dhinaca kale, meeraha Cirjeex wuxuu lee yahay gobol weynoo ah jiid ama jaziirad guduudan, oo meeraha ku wareegata. Waa dabayl xoog leh oo weli ku meereysato tan iyo intii la og yahay oo aan awood u helnay inaan meerahan ku eegno doorbinnada waaweyn (teleskop).

MeerahaCirjeex (Jupiter) waa meeraha shanaad eeqoraxda ugu dhow (masaafo dherer dhan 5.2AU u jira qoraxda) iyo 318 jeer muga dhulka. Wuxuu ka samaysan yahay meerahaniisku dhisyo u badanhaydarojiin iyohiliyaam.
Dhinaca kale, meeraha Cirjeex waa kan ugu leh tirada ugu badan ee dayax asagoo leh67 dayax. Afarta ugu waynIo,Ganymede,Callisto, iyoEuropa waxay leeyihiin qaabdhismeed u dhowmeerayaasha dhagaxleyda ah, sida foolkaanaha iyo gudo kulul.[4] Ganymede oo ah satelaytka ugu waynBahda Qoraxdu Midaysay, ayaa wuxuu ka wayn yahay meerahaWaxaraxir (mercury).

Bilaha Cirjeex

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
dayaxaGanymede ee meeraha Cirjeex.
dayaxaEuropa ee meeraha Cirjeex.

Cirjeex waxuu leeyahay67 dayax taasi oo ka dhigtay midka koowaad ee ugu dayaxa badan dhamaan meereyaashaBahda Qoraxdu Midaysay.[5] Ilaa hadda waxaa weli la helaa dayaxyo cusub. Haseyeeshee afarta dayax ee ugu waaweyn waxay kala yihiin:Io,Europa,Callisto iyoGanymedes, waxa soo hor helay Galileo sanadkii1609.

Dayaxaya ugu weyn, Ganymedes, waa mid ka weyn meerahaDusaa. Afarta dayax ee ugu waaweyn waad arki kartaa haddii aad u kaashato doorbin caadi ah.

dayaxaIo ee meeraha Cirjeex.
dayaxaCallisto ee meeraha Cirjeex.

Xogta Cirjeex

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
  • Dhexroorka(diameter)
143 884 km.
  • Fogaanta
u jiroqoraxda:741,816 millyan km ama5.2 AU.
  • Mudada Udub-wareega (rotation)
9 saacadood50 daqiiqo iyo30 ilbiriqsi.
  • Ku Wareega Qoraxda (sanad):

12 sanad dhuleed

Meerayaasha Baxsan

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Kor ka soo biloow ilaa hoos:
Docay,Uraano,Raage iyoCirjeex
.

Afarta meere ee banaanka u baxsan waa meereyaashaNeefaha Waawayn eeBahda Qoraxdu Midaysay[6] kuwaas oo ah 99% walxaha ku wareegaqoraxda.Cirjeex iyoRaage ayaa waxay yihiin tobanaan kun oo jeer miisaanka iyo mugadhulka, waxayna ka samaysan yihiinisku dhisyohaydarojiin iyohiliyaam. Dhanka kale,Uraano iyoDocay waxay leeyihiin 20 jeer laab muga dhulka waxayna ka samaysan yihiinmacdano dhalaali kara oo ka koobanbaraf.[7][8]

Qoraalo La Mid ah

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Xigasho

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
  1. "meeraha 5aad ee ugu dhowqoraxda"
  2. "Cirjeex waa kan ugu weyn meerayaashaBahda Qoraxdu Midaysay."
  3. "dhagax iyobaraf"
  4. Pappalardo, R T (1999)."Geology of the Icy Galilean Satellites: A Framework for Compositional Studies".Brown University. Archived fromthe original on 2007-09-30. Retrieved2006-01-16.{{cite web}}:Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  5. "koowaad ee ugu dayaxa badan dhamaan meereyaashaBahda Qoraxdu Midaysay."
  6. Neefaha Waawayn eeBahda Qoraxdu Midaysay
  7. "Cirjeex iyoRaage"
  8. "isku dhisyohaydarojiin iyohiliyaam"


Maqaalkanwaa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawiWikipedia in aadWax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.
Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Cirjeex&oldid=262984"
Qeybaha:

[8]ページ先頭

©2009-2025 Movatter.jp