Canjeero (Af Amxaari:ənǧära;Af Carabi:ar) waacunto ay cunaan dadkaSoomaalida,Itoobiyaanka, wadano badan ooCarabta iyo meelo badan oo caalamka ah. Sida caadiga ah canjeeradu waxay ka mid tahayquraaca qoysas badan oo deganBariga Afrika. Canjeerada waxaa laga sameeyaadaqiiq,bur iyomilix la khamiiriyay mudo saacado ah, ka dib lagu dubey daawe (bir wareegsan).Canjeeradu waxay dhaqan ahaan inaga soo gashay wadanka aan jaarka nahay eeItoobiya oo tan iyo wakhti hore ka ahayd cuntada ugu muhiimsan.[1]
Lahjadaha dadka Soomaalida ee kala duwan ayaa waxay keentay in canjeerada loogu waco magacyo kala duwan.Gobolada Waqooyiga Soomaaliya waxaa loo yaqaanaaLoxoox iyoKimis.
Canjeerada waxee ka midtahay cuntada lagu sameeyo kushiinka.Canjeerada waxaa soomaalia laga cunaa subax kasto, waxaana lagu cunaa suqaar ama baar iyo dalacbilaash. Sida dhaqanka ah neh waaSaliid Macsaro amaSubak iyoSonkor iyoShaax.Canjeerada waa cunto soomaaliya laga isticmaali jiray waqti aad u fog.Waxaa kale oo jirto (Malawaxa) iyoJabaatiga oo u sameesan sida canjeerada oo kale, laakiin woo ka yaryahay woona ka macaanyahay. Badanaa waxee soomaalida malawaxa isticmaashaa ramadaankii.