Ananassa sativa(Schult. & Schult.f.) Lindl. ex Beer
Bromelia ananasL.
Bromelia ananasWilld.
Bromelia communisLam.
Bromelia comosaL.
Bromelia edulisSalisb. nom. illeg.
Bromelia mai-pouriPerrier
Bromelia pignaPerrier
Bromelia rubraSchult. & Schult.f.
Bromelia violaceaSchult. & Schult.f.
Bromelia viridis(Mill.) Schult. & Schult.f.
Distiacanthus communis(Lam.) Rojas Acosta
Cananis (jarjaran)
Cananis,Cananaas (Af Ingiriis:pineapple;Af Carabi:أناناس) magacaSaynis "Ananas comosus" waadhir lehmidho waaweyn oo qolof adag leg taasi oo ka baxda deegaanadacimilada diiran leh.[2][3] aCananaasku wuxu ka mid yahay geedaha ugu dhaqashada badan caalamka ee loo beerto hab ganacsi, kaasi oo ka baxa meelo badan oo caalamka ah.[4]
Marka la beerayo geedka cananiska waxaa la qalajiyaa jeex ka mid ah midhaha kaasi oo qaangaadh noqda wakhti ku dhow 20 ilaa 24 bilood, ka dib dhala midhaha cananiska.[5][6] Midhaha cananisku kuma bislaado geedka dushiisa, asagoo cayriin ah ayaa la soo gooyaa isla markaana la huuriyaa si uu bislaado.[7]
Guud ahaan, midhaha cananiska waxaa lagu cuni karaa isagoo qayriin, la shiiday ama la ridqey, meelaha qaar waxyar la kariyey. Midhahani waxay ka mid yihiin kuwo aad looga isticmaalo caalamka oo dhan. Waxaa intaas dheer,caleenta geedka cananiska waa mid la cuni karo. Wadano ay ka mid tahayFilibiin waxaa la karsadaa caleenta cananiska midaasi oo la cabomaraqeeda iyo caleentaba. Meelo kale waxaa midhaha cananiska laga sameeyaa daawooyin jidhka la marsado ama la isku qurxiyo.
Midhaha cananiska iyo kala badhGeedka cananiska oo ubax bixiyey
Si la mid ah ereyo badan oo kale, ereygacananis wuxuuAf Soomaaliga ka soo galayluuqada Af-Carabiga. Magaca cananaas waxaan ka soo amaahanay ereyga "An'nas" (أناناس),[9][10] taasi oo marka la tixraaco asalka kelmada ka timidey kalmakananas oo micnaheeda Af-Carabigu yahaymidho dhadhan fiican amamidho macaan.[11]