Cilmi-baadhis la sameeyay ayaa waxay muujisey in bariiska beeran jireen dad beeroleey Shiine ah waqtiyadii u dhexeeyay 8,200 ilaa 13,500 sanno ka hor. Sidoo kale cilmi-baadhis aarkiyooloji ah waxay sheegtay in waqtiyadaasi laga beeri jirey webiga dooxada Yangtze ee dhulka-jooga-hoose ee wadankaShiinaha. Waxay cilmi-baadhistu sidoo kale soo ban-dhigtey in qiyaas ahaan 5,000 sano ka hor bariisku ku fidey koonfur-bari iyo koonfurta qaarada Aasiya. Waqtigaas wixii ka dambeeyay bariisku si tar-tiib ah ayuu ugu fiday dunida inteeda kale. Sidoo kale meelo ku dhow webigaNayjar ee qaaradaAfrika ayaa laga beeri jiray bariiska ilaa iyo 3,500 sanno ka hor laakiin kuma fidin deegaanada kale ee qaarada ilaa laga soo gaadhay 2,700 sano ka hor. DhulkaSoomaalida wuxuu ku soo gaadhay bariisku si ganacsi isagoo si toos ah iyo si dadban uga imanaayay wadanadaHindiya iyoShiinaha.
Beeritaanka bariiska inta badan wuxuu aad ugu fiican yahay wadanada iyo gobolada leh shaqaale aad u jaban iyo roob badan. Marka la beerayo bariiska waxa ugu horayn lagu abuuraa midhaha dhul dabacsan oo laga shaqeeyay, ka dib waxaa lagu soo daayaa biyo fara-badan oo si ay u harqiyaan abuurka. Biyo badan ayaa la waraabiyaa abaqaalka ilaa uu ka dheeraado oo midho ka dhalo. Sidoo kale waxa la isticmaalaa suntaxasharaadka si looga ilaaliyo in abuurka dhaawac gaadho. Waqti hal sano gaadhaya ka dib waxa la soo jaraa midhaha ku yaala geedka bariiska kuwaas oo la galiyo warshado ka fiiqa dahaarka sare. Marka dahaarka ama qolofka sare laga qaado midhaha bariiska waxa soo baxa nooc loo yaqaanoBariiska Cowlan. Qaar ka mid ah bariiska cowlan ayaa dib loo galiyaa warshada oo maqaarka sare ka qaada markaas waxaa soo baxaBariiska Cad. Bariiska Cad waa ka cimri dheer yahay nooca kale waana ka qaalisan yahay marka la kala iibsanayo, laakiin waxaa ka nafaqo badan oo ka caafimaad fiican Bariiska Cowlan oo qiimo ahaana ka raqiisan. Waxa jira shirkado ganacsi oo dib u farsameeya bariiska cad, mararka qaar xoogaa yar kariya si uu u jilco ka dib ku dara budooyin midabkiisa ka dhiga cadaan iyo waliba nafaqooyin. Bariiskani aad ayuu uga qaalisan yahay dhammaan noocyada kala duwan ee bariiska.
Sida qaalibka ah midhaha bariiska waxay caan ku yihiin in la kar-kariyo oo loo cuno cunto ahaan laakiin waxaa jira siyaabo kale oo fara badan oo bariiska loo isticmaalo. Tusaale ahaan, bariiska ceeyriin waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo cabitaano badan oo ka mid yihiincaano bariis,boorash bariis iyokhamri bariis.Sidoo kale bariiska ceeyriin waxa laga sameeyaaburka bariiska taasi oo ah in la shiido ama la bur-buriyo midhaha bariiska.
Maqaalkanwaa la bilaabay. Hadii aad wax ka taqaanid fadlan ka caawiWikipedia in aadWax ku dartid. Qoraalkaagu ha noqdo mid faa'iido leh oo dhexdhexaad ah.