Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Axdigii Hore

Ka Wikipedia

Axdigii Hore ee Baybalku intiisa badan wuxuu ka hadlayaa wax loogu yeedhoDadkii Ilaah (reer Banii Israa’iil) – dhibaatooyinkii ay soo mareen, halgankoodii, geesiyaashoodii, hoggaamiyeyaashoodii, cuqaashoodii, wadaadadoodii, iyo nebiyadoodii.Sheekooyikaas xudduntoodu waa in Ilaah dadkiisareer Banii Israa’iil – si walba oo ay ugu caasiyaan – uusan ka quusanayn.Ilaahoodu mar walba oo ay ku caasiyaan garabkooda ayuu ka baxayey, ka dibna guul darro iyo dhib ayey mudanayeen, haddana Isagu sidaas kuma eeganayn ee wuxuu mar walba oo loo yaabo dhexdooda ka soo saarayey halyey waddada Ilaahooda tusa, dabadeedna u horseeda guul.Hoggaamiyayaashaas qudhooda ayaa iyaguna sidoo kale ku kici jiray dembiyo iyo caasinimo, taas oo sabab u noqon jirtay inay xilalkooda ka dhacaan.Reer Bani Israa’iil waxay mar walba dagaal ugu jireen sidii ay u qabsan lahaayeen una hanan lahaayeen gacan ku haynta dhulkareer Kancaan, kaas oo ay rumaysan yihiin in Eebbe iyaga u ballan qaaday markii ay ka soo qaxeenMasar.

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Axdigii_Hore&oldid=241654"
Qeybta:

[8]ページ先頭

©2009-2025 Movatter.jp