Atlanta,Caasimada Atlanta (/ætˈlæntə/ⓘ, sidoo kale/ætˈlænə/ⓘ) waacaasimad iyo magaalo madaxdaGobolka Joorjiya ee wadankaMaraykanka. Magaalada Atlanta waxay leedahay shacabka ugu badan gobolka Joorjiya kuwaasi oo dhan 447,841 (tiro koobtii 2010ka). Marka lagu daro deegaanada ku hareersan ee hoosyimaada Atalanta waxaa ku dhaqan dad gaadhaya 5,522,942, taasi oo ka dhigeysa caasimad-weyne (metropolitan) sagaalaad ee dalka Maraykanka; waana xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee deegaankaasi.[12]
Atlanta waa fadhiga iyo saldhiga dowlada Fulton County in kastoo ay xoogaa ka gaadho dhinaca galbeed DeKalb County. Caasimada Atlanta waxay aasaasantay sanadkii 1837kii wakhtigaas oo ku beegan dhismihiitareenka dheer ee isku xidha bari iyo galbeed wadanka Maraykanka. Laakiin waxay si fiican u kortay oo balaadhatey wakhtigiiDagaalka Sokeeye ee Maraykanka, goortaasi oo ay noqotey goob ganacsi iyo xudun isku xidha dhinacyada iska soo horjeeday. Magaalada Atlanta waa xarunta isku xidha isgaadhsiinta socdaalka ee gobolkakoonfurbari Maraykanka; gaar ahaan xudunta iskuxidhka laymankatareenada, socdaalkacirka eediyaaradaha ayada oo leh gegada-diyaaradaha ee ugu mashquulka badan caalamka tan iyo sanadkii 1998kii, kaas oo lagu magacaabo "Hartsfield–Jackson Atlanta International Airport".[13][14][15][16]
Dhismayaashii ugu horeeyay ee magaalada Atlanta sanadihii 1889kii.
Caasimada Atlanta waxaa lagu tiriyaa ineey tahay magaalo aad u heersareysa[17], ayadoo la sheegay ineey tahay magaalada 36aad ee ugu awooda badanaduunka, tan 8aad ee ugu heerka sareeysa Maraykanka dhexdiisa, iyo magaalo kaligeed maamusha dhaqaale dhan270 bilyandollarka Maraykanka.[18]
Xaga juquraafiga deegaanka, magaalada Atlanta waxay ku taalaa dhul fidsan oo lehbuuro kooban oon aad u dhaadheerayn kuwaasi oo ku hareersan tahaydhir faro badan iyoharo biyo midaasi oo soo jiidateyxayawaan iyoshimbiro aad u faro badan.
Magaalada Atlanta waxaa lagu qabtey ciyaarahaOlympicga
Sanadkii 1996dii ayaa markii ugu horeeysay magaalada Atlanta waxaa lagu qabtey ciyaarahaOlympicga ee caalamiga ah.
↑"Our Quiz Column".Sunny South. p.5. Archived fromthe original on 2014-12-18. Retrieved2015-08-31.{{cite news}}:Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
↑"Atlanta (city), Georgia".United States Census Bureau. United States Census Bureau. Archived fromthe original on August 2, 2012. RetrievedJuly 10, 2014.{{cite web}}:Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
↑"Doing Business in Atlanta, Georgia". Business.gov. Archived fromthe original on Bisha Afraad 2, 2010. RetrievedApril 5, 2010.{{cite web}}:Check date values in:|archive-date= (help);Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
↑"GaWC – The World According to GaWC 2012". Lboro.ac.uk. January 13, 2014. Archived fromthe original on Bisha Saddexaad 20, 2014. RetrievedJanuary 25, 2014.{{cite web}}:Check date values in:|archive-date= (help);Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
↑"Global Cities 2010: The Rankings". Foreign Policy. Archived fromthe original on Bisha Labaad 2, 2012. RetrievedNovember 6, 2010.{{cite web}}:Check date values in:|archive-date= (help);Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)