Movatterモバイル変換


[0]ホーム

URL:


Jump to content
Wikipedia
Raadi

Alaska

Coordinates:41°15′N96°0′W /41.250°N 96.000°W /41.250; -96.000
Ka Wikipedia

41°15′N96°0′W /41.250°N 96.000°W /41.250; -96.000

Kani waa maqaal ku saabsan gobolka Alaska, Maraykanka.
Boga "AK" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Gobolka Alaska
Flag of AlaskaSeal of Alaska
CalanAstaan
Naaneys:Xuduuda ugu dambeysa
Halkudhig:Mustaqbalka Waqooyi
Heesta Gobolka: "Alaska's Flag"micne: "Calanka Alaska"
Map of the United States with Alaska highlighted
Map of the United States with Alaska highlighted
Luuqada DowligaIngiriis,Inupiaq, Siberian Yupik, Badhtamaha Alaskan Yup'ik, Alutiiq, Unangan, Dena'ina, Deg Xinag, Holikachuk, Koyukon, Upper Kuskokwim, Gwich'in, Tanana, Upper Tanana, Tanacross, Hän, Ahtna, Eyak, Tlingit, Haida, Tsimshian[1]
Luuqado KaleIngiriis 89.7%
Luuqado kale (Eskimo–Aleut iyo Na-Dene languages) 5.2%
Isbanish 2.9%
BulshoAlaskan
Magaalo-madaxJuneau
Caasimada ugu weynAnchorage
DeegaankaBaaxada 1aad
  Wadar663,268 sq mi
(1,717,856 km2)
  Balac2,261 miles (3,639 km)
  Dherer1,420 miles (2,285 km)
  % biyo13.77
  Lool51°20'N to 71°50'N
  Dhigo130°W to 172°E
BulshadaHeerka Bulshada 48aad
  Wadar736,732 (2014 qiyaas)
  Cufnaanta1.26/sq mi  (0.49/km2)
Tirada Dadka 50aad
  DhaqaalahaUS$64,333 (4aad)
Jooga
  Barta ugu sareysaDenali (buurta McKinley)[2]
20,310 ft(6190.5 m)
  Dhexdhexaad1900 ft  (580 m)
  Barta ugu hooseysasea level
Gobolnimada Ka HorDeegaanada Alaska
La Midoobay WadankaJanaayo 3, 1959 (49aad)
BadhasaabkaBill Walker (Siyaasi Madaxbanaan)
Gudoomiyaha GobolkaByron Mallott (Xisbiga Dimuqraadiga)
XeerdejintaXeerdajinta Alaska
  Golaha GuurtidaGolaha Guurtida Alaska
  Aqalka HooseGolaha Wakiilada Alaska
Xubnaha GuurtidaLisa Murkowski (Xisbiga Jamhuuriga)
Dan Sullivan (Xisbiga Jamhuuriga)
Aqalka WakiiladaDon Young (Jamh) (Ugu badan) (diiwaan gashan)
Soonka Wakhtiga 
 • Bariga 169° 30'Alaska:UTC-9/-8
 • Galbeedka 169° 30'Aleutian:UTC-10/-9
ISO 3166US-AK
Loo soo gaabiyaAK,
Websitewww.alaska.gov


Alaska (/əˈlæskə/) waagobol dhaca waqooyigalbeed ee cidhiftaqaarada Waqooyiga Ameerika kaasi oo ka tirsankontonka gobol ee wadanka Maraykanka.

Bariga Gobolka Alaska wuxuu xad kala leeyahay wadankaKanada deegaanda Yukon iyogobolka Kanada ee Biritish Kolombiya. Dhinaca waqooyiga waxaa ka xiga gobolkanBadweynta Araktika; iyoBadweynta Baasifik oo ka xigta galbeedka iyo koonfur. Intaas waxaa dheer wadankaRuushka (gaar ahaan "Deegaanda Jukotka Okrug" iyo "Kamjatka Krai") aya ka xiga galbeedka fog.

Dhinaca kale, gobolka Alaska waadeegaanka ugu weyn kontonka gobol ee Maraykanka, sidoo kale wuxuukaalinta afaraad kaga jiraaliiska gobolada ugu dadka yar, waxaana ku nool gobolka dad gaadhaya 735,132 qof kuwaasi oo intooda ugu badan ku dhaqan yihiinmagaaladaAnkoraje iyo nawaaxigeeda.Dhaqaalaha gobolka Alaska waxaa u lafdhabar ahshidaalka, gaaska dabiiciga ah, iyowershadahakaluumeysiga kuwaasi oo ah kheyraad aad ugu qani ah deegaanada gobolka Alaska.Waxaa iyadna dhaqaalaha aad u kaba dalxiiska iyo siyaarada joogtada ah eecaalamka oo dhan.

In kastoo kumanaan sano lagu soo noolaa deegaanda Alaska, hadana dunidu waxay si fiican u baratey gobolka iyo sheekooyinkiisa wixii ka dambeeyayqarnigii 18aad goortaasi oo la ogaaday kheyraadka ku keeydsan iyo nolosha ka jirta deegaanada Alaska.Markii ay taariikhdu ahayd Maarso 30, 1867dii ayaa dowlada wadankaMaraykanka iibsatay gobolka Alaska, taasi oo siisayboqortooyadii Ruushkalacag dhan US$ 7.2 milyan. Dhulka Alaska marka lagu qiimeeyo lacagta dowlada Maraykanku ka bixisey waxay noqoneysaa labo senti halkii akre ee dhul ah ($4.74/km2).[3]


Magaca

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Magaca "Alaska" (Аляска) waxaa markii ugu horeeysay laga maqley gumeystihii Ruushka, kaasi oo wakhtigaasi gacanta ku hayay maamulka deegaankaasi. Sida ku fasireenculimada-luuqadaha waxaa ereyga Alaska laga keenay luuqada Aleut ooy ku hadlaan dad u dhashay deeganka Alaska, taasi oo micnaheedu yahayshey uu hogaaminayo ficilka biyaha badu.[4][5][6]

Waxaa sidoo kale la sheegaa ereygaAlyeska, oo lagu fasiro "dhulkii weynaa", midani waxay ku arooraysaa luuqada Aleut ee dhawaaqa dhow Alaska.

Juquraafiga

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
Xajmiga iyo baaxada Alaska oo la barbar dhigay qeybo ka mid wadanka Maraykanka intiisa kale

Deegaanda Alaska waxay leeyihiinxeeb ka dheer marka la isku daro dhamaan xeebaha gobolada kale dhan ee Maraykanka.[7] Alaska waa deeganka kali ah ee leh dhinac walbo xeeb ee ku yaalaqaarada Waqooyiga Ameerika; taasi oo ku fadhida dhul baaxadiisu le'eg tahay 663,268 mayl labo laaban (1,717,856 km2).Deegaan ahaan gobolka Alaska wuu ka go'an yahay qaarada Ameerika waloow weli lagu xisaabiyo qaaradaasi. Magalo-madaxda AlaskaJuneau waxay ku taalaa dhul ka tirsan qaarada Ameerika, laakiin ma lahan wado laami ah oo ku xidhiidhisa wadanka itiisa kale, taasi waxa sababay waa fogaanshaha dhulkaasi iyo dad la'aanta.

Guud ahaan, gobolka Alaska wuxuu jaar la yahay deegaanka Yukon iyo British Kolombiya ee wadankaKanada, gacanka Alaska iyo Badweynta Baasifika xaga koonfureed, Bada Bering, Deegaanka Bering iyo Bada Jukji (Chukchi Sea) xata galbeed iyo Badweynta barafleyda ah ee Araktik oo ka xigta waqooyi.

Biyaha u hareersan gobolka Alaska waxay gaadhaan biyaha wadanka Ruushka waxayna ku kulmaan Deegaanka Bering iyo Gasiirada Bid Diomede taasi oo noqoneysa kaliya masaafo dhan 3 mayl (4.8 km)Gabi ahaanba gobolka Alaska waa kan ugu weyn wadnka Maraykanka isla markaana leh bulshada ugu yar dhamaan kontonka gobol. Alaska waxay u dhigantaa labo laabka gobolkaTegsas (Texas) oo ah mida labaad ee ugu balaadhan wadanka. Marka la eego xaga wadanada caalamka, gobolka Alaska wuxuu noqonayaa midka 18aad ee ugu balaadhan caalamka.

Muuqaal

[wax ka badal |wax ka badal xogta]

Gobolada Maraykanka

[wax ka badal |wax ka badal xogta]


Magaalooyinka MaraykankaGobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta ·Austin ·Boston ·Baltimore ·Bloomington ·Kolumbus, Ohio ·Chicago ·Dallas ·Denver ·Detroit ·Houston ·Honolulu ·Kansas City ·Los Angeles ·Las Vegas ·Memphis ·Miami ·Minneapolis ·New York ·Nashville ·Oakland ·Omaha ·Orlando ·Phoenix, Arizona ·Portland ·Philadelphia ·Rochester ·San Antonio ·Saint Paul ·San Diego ·Seattle ·San Fransisko ·Washington D.C


Gobolada MaraykankaGobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama ·Alaska ·Arizona ·Arkansas ·Delaware ·Florida ·Fermont ·Firjiniya ·Houston ·Gobolka Joorjiya ·Gasiirada Rhode ·Galbeedka Firjiniya ·Hawaii ·Idaho ·Illinois ·Indiana ·Iowa ·Kansas ·Kentucky ·Kalifornia ·Kolorado ·Konektikat ·Koonfur Karolina ·Koonfur Dakota ·Louisiana ·Maine ·Maryland ·Massachusetts ·Mishiigan ·Minnesota ·Mississippi ·Missouri ·Montana ·Nebraska ·Nevada ·Hampshire Cusub ·Jersey Cusub ·Meksiko Cusub ·New York (gobol) ·Ohio ·Oklahoma ·Oregon ·Pennsylvania ·Tennessee ·Tegsas (Texas) ·Utah ·Wyoming ·Washington (gobol) ·Waqooyi Karolina ·Waqooyi Dakota
Dn’tRmvpl.: Germany
Dn’tRmvpl.:Germany

Tixraac

[wax ka badal |wax ka badal xogta]
  1. "Once forbidden, Alaska's Native languages now official state languages". KTOO. October 24, 2014. RetrievedOctober 25, 2014.
  2. "Elevations and Distances in the United States".United States Geological Survey. 2001. Archived fromthe original on July 22, 2012. RetrievedOctober 21, 2011.{{cite web}}:Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  3. Video: 49th Star. Alaska Statehood, New Flag, Official, 1959/01/05 (1959).Universal Newsreel. 1959. RetrievedFebruary 20, 2012.
  4. Bergsland, Knut (ed.) (1994).Aleut Dictionary: Unangam Tunudgusii. Alaska Native Language Center.ISBN 1-55500-047-9.{{cite book}}:|author= has generic name (help), at pp. 49 (Alaxsxi-x = mainland Alaska), 50 (alagu-x =sea), 508 (-gi = suffix,object of its action).
  5. Bright, William (2007).Native American Placenames in the United States. University of Oklahoma Press.ISBN 978-0806135984.
  6. Ransom, J. Ellis. 1940. "Derivation of the Word "Alaska", "American Anthropologist n.s., 42: pp. 550–551
  7. Benson, Carl (September 2, 1998)."Alaska's Size in Perspective".Geophysical Institute,University of Alaska Fairbanks. Archived fromthe original on November 25, 2007. RetrievedNovember 19, 2007.{{cite web}}:Unknown parameter|ciwaan= ignored (help);Unknown parameter|deadurl= ignored (|url-status= suggested) (help)
Waxaa laga keenay "https://so.wikipedia.org/w/index.php?title=Alaska&oldid=276479"
Qeybaha:
Qeybta qarsan:

[8]ページ先頭

©2009-2026 Movatter.jp