Geedka afakaadhuhu wuxuu leeyahay noocyo kala duwan
Geedka afakadhaha, saynis ahaan loo yaqaanoPersea americana, waxaa ka aaminsan yahay inuu asal ahaan ka soo jeedo deegaanada Buebla ee wadankaMeksiko,[4] waxaase la sheegay in dhir u nooc dhow laga helay meelo badan oo kale sida waqooyigaKalifornia,Maraykanka wakhti cimilada deegaanadaasi ahayd mid aad ugu haboon bixitaanka geedkaasi.[5]
Jaadyada afakaadhaha aan la dhaqanin oo Saynis ahaan loo yaqaanokriollo, waa mid ka yar xajmi ahaan, leh qolof madoow xigta, waxaanay leedahay laf aad u weyn.[6]
Si kastaba ha ahaatee geedka afakaadhuhu wuxuu caalamka ku fiday wakhtiyadii gumeystihii reer Yurub gaadhay qaaradaAmeerika, ka dib gaadhsiiyeen deegaanadii kale eey gumeysanayeen.Maanta wuxuu ka baxaa wadano badan oo caalamka ah, waxaana meelo badan uu ka mid yahay cuntada maalin walba ee dad badan ku nool yihiin.
Asal ahaan ereyga "afakaadho" wuxuu ka yimid erey Isbaanish ahaguakate, kaasi oo iyaga laftoodu ka soo amaahdeen luuqada Nahuatl ee dadka asal ahaan loogu tagay qaaradaha Ameerika.[7][8]
↑"Nuqul Archive". Royal Botanic Gardens, Kew and Missouri Botanical Garden. 2010. Waxaa laga kaydiyaythe original 2013-10-02. Soo qaatay2015-09-22.Barameter aan la aqoon|ciwaan= ignored (caawin)
↑Chen, H.; Morrell, P. L.; Ashworth, V. E. T. M.; De La Cruz, M.; Clegg, M. T.Journal of Heredity.100 (1): 56–65.PMID18779226.doi:10.1093/jhered/esn068.Maqan ama ebar|title= (caawin)