Abuu Cubeyda Magaciisa oo dhameestiran waa Caamir bin cabdulaahi bin Jaraax, waxa uu caan ku yahay kunyadiisa "Abuu Cubayda" iyo in loo nisbeeyo awowgiis, waxaa ladhahaa "Abuu Cubayda bin jaraax", Nasabka waxa ay Nabiga scw isaga soo dhacaan fihir bin maalik[1]
Hooyadiis waxaa la dhahaa Umeyma binti ganam bin jaabir[2], waxa uu soo guurinaaibni xajar inay soo gaartay islaamka oo islaamtay[3]
Xogaha Taariikhiga waxba kama sheegin noloshiisa jaahiliyada xitaa qaabkii uu ku islaamay, laakin waxay isku raacday inuu ka mid ahaa kuwa islaamnimadooda horeesay uuna islaamay ka hor intuu Nabiga scw galin guriga arqam bin abii arqam[4], waxa ayna isla islaameen saxaabo ay ka mid yihiinCabdiraxmaan bin Cawf,Abu Salama,cusmaan bin Madcuun, iyoCubayda ibnu Xaaris.
Abuu Cubeyda waxa uu goob joog u ahaa waayihii adkaa ee ay MuslimiintaMakka ku soo mareen min bilow ilaa dhammaad, xogo ku saabsan cadaadiska gaarka ee abuu Cubeyda ka soo gaaray islaamidiisa ma'aana helin laakin waxaa arkeynaa inuu uhaajiray xabasha[5][6] taasi oo na tuseysa inay ku heysataymakka mid la mid ah dhibaatooyinkii ku dhacaayay muslimiinta kale.
Maalinkii uxud wuxuu abuu Cubeyda ku juray dadkii sugnaaday ee difaacayay Nabiga scw, waxaa la jabiyay maalinkaas dhooshii rasuulka scw sidoo kale waxaa la dakhray dhafoorkiisa, koorarkiisana waxaa ka gashay labo birood oo ka mid ah miqhfarkii (koofiyadaha madaxa iyo wejiga qariya ee dagaalka waqtigaas la gashan jiray).Abuubakar wuxuu yiri waxaa u soo orday Nabiga scw xagiisa qof kalana wuxuu ka soo orday xaga qorax soo bax asigoo u buubaya haadkii camal ilaa Nabiga scw ugu nimaano waaba abuu Cubeyda oo iga soo hormaray, wuxuu igu yiri “Ilaah ayaan kugu dhaarinayaaye inaad ii dhaafto ka soo bixinta anniga” waa u dhaafay, Abuu Cubeyda wuxuu ka cabsaday haddii uu ku soo siibo birihii gacantiisa, inuu xanuujiyo Suubbanaha Rasuulka (scw), sidaa darteed wuxuu birihii ugu horeeyay midkood ku qaniinay foolashiisii afarta ahaa weliba qaniinyo iyo qabasho daran oo sugan, sidiina ayuu birtii ku soo siibay, inkastoo ay dhacday foolkiisii hoose. Haddana markale ayuu foolkiisii kale ee hoose ku qaniinay birtii kale, kadibna wuu soo siibay, waxaa misna soo dhacday foolkii kale ee hoose.Abuubakar RC oo hadlkiisa sii wata wax uu dhahay “wuxuu Abuu Cubeyda ahaa afloowihii ugu fiicnaa dadka”, maxaa yeelay waxay ka dhaceen isagoo ka siibaya biirihii ku jiray Rasuulka(scw)[11][12][13].
Marar badan ayuuNabiga scw madax ay uga dhigay ciidamada Muslimiinta, waxa ka mid ahayd mar ay isaga iyo ciidankiisa oo ka koobnaa sadex boqol ay gaajoodeen, waxayna heleen Xuut (kalluun) wayn oo baddu soo caariday kaas oo lagu magacaabo Cinbar, markaasu dhahay miyuu kalluunku dhintay waxayna ku dhaheen waa noolayahay kadibna waxa uu ku yidhi ciidankiisii; Inagu waxa ina soo diray Rasuulkii Eebe, waxayna u dagaalami jidka Eebe ee cuna xuutka, wayna cuneen, bil barkeed ayee cunaayeen, markey madiina ku laabteen ayee u sheegeen Nabiga scw, waxa uu dhahay cuna waa risqi ilaahay nii soo saaray[14][15].
Wuxuu la baxay Abuu Cubeyda ciidankii, wuxuu socda markuu tagay ziizaa meel la dhaho ayaa waxaa ka soo hor baxay ciidan ka ruum ah dagaal ayaa dhax maray waxa uu ku qasbay inuu galiyo magaaladood wuu ku go'doomiyay, dadka ree ma'rib ayaa ka dalbeen hishiis, waxey noqotay magaaladii ugu herysay eeshaam ka mid ah oo hishiis lagu furto[20].
Hiraqla Boqorkaruum ayaa waxaa soo gaaray dhaqdhaqaaqa muslimiinta asigoo joogofalastiin wuu ka tagay wuxuu tagayAndaakiya halkaas ayuu saldhig ka yeeshay ciidan badan ayuuna aruurshay, Abuu Cubeyda ayaa gurmad ka dalbay xagaabuu bakar.
Dagaalka fixla ka dib waxey muslimiinta ka go'doomiyeenDimishiq dhicyadeed dhan,khaalid ayaa dagay albaabka bari, Abuu Cubeyda wuxuu albaabka jaabiya,Camar bin caas wuxuu dagay albaabka tuumaa, Yaziid bin abii sufyaan wuxuu dagay albaabka Al-Saqiir,Shuraxbiil bin xasana wuxuu dagay albaabka faraadiis afar bilood ayuu go'doonka socday, khaalid bin waliid ayaa albaabkiisa xoog ku soo galay dadkii magaalada markey arkeen waxey u fureen muslimiinta Albaabada kale Abuu Cubeyda ayeena ka dalbeen hishiis wuuna ka yeelay[27], Magaalada qaarkeed ayaa lagu furtay halka qaarka kale lagu furtay xoog. Waxeyna ku beegneed furashadeed 15Rajab sanadkii14H[28]
Waqtigii qaboobaha markii laga baxay Abuu Cubeyda iyo khaalid waxey u dhaqaaqeen Ximsa, waxeyna dhax ku sii furteenBaclabek,Ximsa markey gaareen dadka magaalada ayaa la galeen hishiis Abuu Cubeyda ayaana u qoray amaan[3].
Mar kale ayuuCumar soo aadayShaam, Sarga meesha la dhaho markuu soo gaaray waxaa ka hor yimid Abuu Cubeyda iyo talyaasha ciidanka waxeyna u sheegeen inuu ka dilaacay dhulkaShaam daacuun halis badan oo dad badan u dhinteen,Cumar ayaa saxaabada kala tashaday sidii la yeeli lahaa balse way is khilaafeen oo meel iskuma raacin,Cumar ayaa laabsho iclaamiyay, Abuu Cubeyda ayaa ku dhahay "ma qadarka ilaahay aa laga cararaa?Cumar wuxuu ugu jawaabay "Fiicnaan la haydaa inuu qof kale dhaho Abuu Cubeydow, Haa qadarka ayaa ka carareynaa qadarka ayaana u carareynaa"Cabdi raxmaan bin Cawf oo meesha ka maqnaa ayaa gadaal ka yimid wuxuuna sheegay inuu haayo xadiis uu Nabiga scw ku yiri meel daacuun ka dhacay yaa la galin yaana laga bixin" intaas ka dib Cumar ilaahay ayuu ku mahdiyay wuuna laabtay[31]
“Waxaan kaaga soo baahday dan aan adiga kaaga maarmi waayay, ee haddii uu ku soo gaaro dhambaalkaygan xilli habeen ah waxaan kugu adkeenayaa inuusan waaberiga kuu baryin jeer aad xaggeyga uga soo safartid. Sidoo kale, haddii aad heshid dhambaalakayga maalin dharaar ah, waxaan kugu adkeenayaa inaadan galabeysan jeer aad xaggeyga uga soo safartid.
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax markii uu arkay dhambaalkii Cumar, wuxuu yiri “waan ogaaday danta uu iga doonayo amiiral-mu’miniinka, wuxuu doonayaa inuu baaqi yeelo qof aan dunidan ku baaqi noqonaynin, dabadeedna wuxuu u diray qoraalkan uu ku leeyahay
“Amiiral mu’miniinow waan gartay dantii aad iga lahayd, anniguna waxaan ku dhex suganahay ciidanka muslimiinta, mana doonayo inaan naftayda ka badbaadiyo waxa soo gaaraayo ciidanka muslimiinta, oo dooni maayo inaan ka dhex baxo ciidanka jeer uu Eebbe (Sw) ka xukumo arinkayga iyo kan muslimiinta. Sidaa darteed hadduu ku soo gaaro qoraalkayga waxaan kaa codsanayaa inaad dhaartaadii aad iga xalaalaysid, isla markaana aad ii fasaxdid inaan la joogo ciidamada”.
Markii uu aqriyay Cumar Bin Khadaab dhambaalkii Abuu Cubeyda waxaa ka soo daadatay ilmo, isagoo ooyayna, asxaabtii ayaa iyagoo la yaabban waxa ka oohiyay amiiral-mu’miniinka Cumar weydiiyay su’aal, waxayna ku yiraahdeen “Amiiral-mu’miniinow ma waxaa dhintay Abuu Cubeyda?”.
Cumar ayaa ku yiri “maya, hase ahaatee geeridii ayuu u dhow yahay”[32][33]. Dhab ahaantii malahaas Cumar way dhab noqotay, oo wax yar kadib waxaa Abuu Cubeyda ku dhacay cudurkii halista ahaa ee daacuunka, sidiina ayuu u dhintay Abuu Cubeyda Allaha u naxariistee.
Intii uu Abuu Cubeyda saarnaa sariirta sakaraadka wuxuu u dardaarmay ciidankii muslimiinta ee uu isaga hoggaaminayay, wuxuuna ku yiri
“Waxaan idiin dardaarmayaa dardaaran, oo haddii aad qaadataan aydan ka suulaynin waligiin kheyr. Waxaad oogtaan salaadda, soomana bisha Ramadaan, saddaqadana la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya madaxdiina, oo ha khiyaamina, yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun sanno oo cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka aan hadda ku suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi”.
Dardaarankaas kadib, wuxuu Abuu Cubeyda jaleecay oo milicsaday saxaabigii jaliilka ahaa eeMucaad Bin Jabal, wuxuuna ku yiri “Mucaadow tuji dadka”. Kamaba soo wareegan intaas waxyar jeer ay ruuxdii daahirka ahayd ee Abuu Cubeyda ay u kor noqoto Allihii sareeyay, sidaasna ayuu ku dhintay.
Mucaad ayaa istaagay, isagoo u wacdinaya dadka, wuxuuna ku yiri “Dadyahow waxaa idinka baxay nin -wallaahi ayaan ku dhaartaye- garan maayo qof ka laab-xaaran, ugana fogaansho badan sharta, kana jecel cirirbta danbe ee aakhiro, uguna roon dadka Abuu Cubeyda, ee Alle u weydiiyo naxariis, Allaha idiin naxariistee”[34].