Hadii Antarktika la barbardhigo qaaradaUstareliya weey ku labo laabmaysaa, taasi micnaheedu waa in Ustareliya le'egtahay kala badh Antarktika. Sida la ogyahay ilaa 98% qaarada Antarktika waxaa qariyahaybaraf kaasi oo leh dhumuc dhan 1.9 kilomitir (1.2 mayl), kuna fidsan dhamaan deegaanada qaarada marka laga reebo qeybta waqooyi oo kali ah.
Isku celcelis, qaarada Antarktika waa tan uguqaboow, qalalsan, ee ugudabaysha badan qaaradaha caalamka oo dhan. Sidoo kale waxay leedahay deegaano badan oo ugu dhaadheer jooga dhulka.Juquraafi ahaan marka laga hadlayo deegaanada Antarktika waxaa lagu tiriyaalamadegaan (saxare), sababtoo ah waxaa ka da'aroob aad u yar oo mararka qaar ka yar 200 mm (8 in) kaasi oo ku da'a deegaanada xeebaha oo kali ah.Sidoo kale waxaa xusid mudanheerkulka Antarktika, wuxuu inta badan yahay −89 °C (−129 °F), in kastoo marka la iskucelceliyo guud ahaan noqonayso −63 °C (−81 °F).
Dhinaca kale, qaarada Antarktika ma lahan dad si joogto ah ugu dhaqan ama nool deegaanadaadi. Laakiin waxaa wakhtiyo badan oo sanadka ah jooga tiroSaynisyahano iyocilmibaadhayaal ah oo u dhexeeya 1,000 ilaa 5,000 qof kuwaasi oo ku baahsan dhinacyada qaarada.Noolaha sida dabiiciga ah looga helo qaarada Antarktika waxaa ka mid ah algae,bakteeriya,fungi, xoogaa yar oodhir ah, brotista, iyo noocyo kooban ooxayawaan ah, sidatakfida,qooleeyda, sealska, iyo tardgrade. Dhirta ugu caansan ee laga helo deeganku waatundra.
Guud ahaan, qaarada Antarktika waa meel aan la kala lahayn (de facto), laakiin waxaa maamula oo gacanta ku haya dowladaha saxeexay"Nidaamka Heshiiska Antarktika". Heshiiskaasi waxaa sanadkii 1959kii saxeexay labo iyo toban wadan, wakhtiyadii ka dambeeyayna waxaa saxeexa ku biiray ilaa 39 wadan kale. Heshiiskaasi wuxuu meesha ka saarayaa in qaarada Antarktika loo isticmaalo siyaabo milatari, in hubka lagu tijaabiyo, in wasakhda hubka lau aaso ama la keeno, in la taageero ajandaha cilmi-baadhista, inmacdan laga qoto iyo in la ilaaliyo hawada nadiifta ah ee qaarada.Wadanadii ugu horeeyay waxaa ka mid ahArjantiina,Ustareliya,Beljimka,Jili,Faransiiska,Jabaan,New Zealand,Norway,Koonfur Afrika,Ruushka,Ingiriiska iyoMaraykankaCilmibaadhista ka socota qaarada waa mid caalami ah oo ilaa 4,000 aqoon yahay oo caalamka ka kala socda joogaan. (SII AQRI)
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga heloWeb-ka oo ahQaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatkainternetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiinJarmal ,Faransiis ,Isbanish iyoTalyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
Wikipediyahaan waxaa ku qoranAf-Soomaali. waxaa la bilaabay 2001, hadda waxaa ku jirto in kabadan 8,311 oo maqaal. Luqadaha kale oo ugu waa weyn hoostaan ee ku tixanyihiin